Golaha Wakiilada JSL oo Soo dhaweeyey Arday Aqoon-korodhsi Ugu Yimid

Hargeysa – (WARSOOR) – Waxa Maanta Golaha Wakiilada JSL ku yimi booqasho aqoon korodhsi ah qaar ka mid ah Ardayda Dugsiga Young Muslim Academy oo ay la socdaan Macalimiintooda.

Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Wakiilada, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha iyo Xoghaya Guud ee Golaha ayaa xarunta Golaha Wakiilada ku soo dhaweeyay, iyaga oo ku wareejiyay dhismayaasha Golaha isla narkaasna sharaxaad ka siiyay qaybaha kala duwan ee Goluhu ka kooban yahay, shaqada Goluhu qabto, marxaladihii kala duwanaa ee Goluhu soo maray, Guddoomiyayaashii iyo tirada kala duwanaa ee Mudanaashu Gole walba ka koobnaayeen tan iyo wakhtigii Qaranimada Somaliland lala soo noqday ee Gole Wakiilo ah Qarankani yeesho, taas oo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladu si qoto dheer ugu sharaxay Ardayda iyo Maamulkii la socday.

Gebo gabadii kulankaas bookhashada ah ee Ardaydu ku timi Xarunta Golaha Wakiilada, waxaa la fadhiisiyay qaybta akhriska (library) ee Goluhu leeyahay, halkaas oo lagu guddoon siiyay buugaag ay ku qoran yihiin, qaab dhismeedka Golaha, qaybihiisa kala duwan iyo shaqada uu qabto ka Gole ahaan, waxaana halkaas dardaaran kala duwan ku siiyay Guddoomiye ku xigeenkq koobaad iyo Xildhibaanada Golaha Wakiida, taas oo ardaydii ku abuurtay dhiirigelin iyo farxad, isla markaasna Maamulkii iyo Macalimiintii ayaa si balaadhan ugu mahad naqay Maamulka iyo Mudanayaasha ku soo dhaweeyay Xarunta Guud ee Golaha Wakiilada.

Warbaahinta Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland