Golaha Shacabka oo meel mariyay sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho kaga dooday sharciga doorashooyinka, waxaana ay soo saareen sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Mooshinka sharciga gaarka ah ee jaheynta Doorashada, guddoonka golaha shacabka ayaa Xukuumadda faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

149 ayaa ogolaatay meel marinta sharciga gaarka ah ee ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka, waxaa diiday 3 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacbka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.