Golaha fulinta ee xisbiga kulmiye oo yeeshay kulan ay ku gorfeeynayeen arimaha xisbiga iyo xaaladda dalka

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii  toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ka qaybgaleen aqlabiyadda xubnaha Guddida Fulinta, ayaa saacado badan qaatay, waxaana lagu gorfeeyey arrimo door ah ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta hawlaha xisbiga, warbixinno la xidhiidha safarradii uu dhawaanahan xisbigu gobollada Bariga ugu maqnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waliba arrimo kale.

Markii uu kulankaasi dhammaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabihii ay Guddida Fulintu ka wadahadleen Afhayeenka xisbiga KULMKIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxaannu ugu horrayn sharraxay waxyaabaha kulankaas lagu gorfeeyey, “Shirka Guddida Fulinta ee saaka waxa lagu soo qaaday qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen weftigii uu Guddoomiyuhu hoggaaminayey ee dhawaan u ambabaxay gobollada Bariga, gaar ahaan gobolka Sool, iyagoo ka qaybgalayey dhiirrigelinta diiwaangelinta gobolka Sool ka bilaabantay, halkaas oo guddoomiyaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ay xubnaha kale ee Guddida Fulinta uga xog-warrameen,” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Afhayeen Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in sidoo kale kulankaas lagaga wadahadlay dhammaystirka qabyooyin kooban oo ku jira hay’adaha kala duwan ee xisbiga iyo waliba taageero loo muujiyey go’aamadii xukuumadda iyo Komishanka Qaranku ku gaadheen in diiwaangelin laga sameeyo lixda deegaan ee ku yaal xeebta galbeed ee muranka ka taagnaa dhaliyey in aan doorashooyinkii hore laga qaban, waxaanu yidhi, “Arrimaha kale ee Guddida Fulintu shirkooda kaga hadleen, ayaa ahayd dhismaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka oo la isla qaatay in si buuxda gobol iyo degmo kasta maalmaha soo socda loo dhammaystiro dhismahooda. Intaas waxa wehelinayey lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah in dadkeeda la diiwaangeliyo oo aannu codka dadka deegaannadaasi lumin, deegamadaasi meesha ay raacayaanna waa waqtigeeda oo hadda meesha ay raacayaan laga hadlimaayo, laakiin xisbigu waxa uu taageersan yahay go’aankii xukuumaddu soo saartay ee sheegayey in dadka la diiwaangeliyo.”

Waxa kaloo uu xusay in shirka lagu bogaadiyey kaalinta ay shacabka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo waliba Xaysimo ka qaateen diiwaangelinta haatan deegaanadaas ka socota, “Aad iyo aad ayaanu u hambalyeynaynaa dadweynaha, waayeelka iyo siyaasiyiinta gobolka Sool sida mugga leh ee ay diiwaangelinta ugu qaybqaateen, waana tallaabo qurux badan oo loo qaaday dhinaca horumarka, waxaanay taasi keentay in maanta 120 goobood oo gobolka Sool ay si buuxda diiwaangelintu uga socoto oo ay garab socoto 22 gooobood oo Gobolka Buuhoodle ka tirsanna ay si buuxda uga socoto, xisbiguna arrintaas wuu bogaadinayaa,” ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.

Shirka Guddida fulinta ee xisbul-xaakika KULMIYE, ayaa si joogto ah uga qabsoomayey xarunta xisbiga muddooyinkan dambe, inkastoo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi iyo hoggaanka sareba ku mashquulsan yihiin hawlo badan oo ay ugu wayntahay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee hadda ka socota gobolkii u dambeeyey dalka oo ah Sool.

HALKAN KA DAAWO WARKAAS:

DSC_3686 DSC_3710 DSC_3681 DSC_3759 DSC_3698

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.