Garabyaddii Xisbiga UCID oo Midba Mid Kale Xilkii Kaga Qaaday Shirar Iska Soo Horjeedana Kala Qabsaday

Hargeysa – (warsoor) – waxaa maant Salaasa ah magaaladda Hargeysa ka dhacday shir aan caadi ahayn oo laba garab ee xisbiga UCID uu kula qabsaday magaaladda Hargeysa, waxaan midba midkii kale uu ka qaaday xilkii waxaanu midkastaa dhankiisa uu iskugu magacaabay gudoomiye iyo musharax madaxweyne ee xisbiga.

madaxda-ucid

Garabka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa shirkiisii ku qabsaday Huteel Kaah ee Bariga magaaladda Hargeysa waxaana halkaasi ka soo qayb-galay ergooyin ka kala yimid goboladda dalka oo matalayaayey xisbiga UCID oo gaadhay laba boqol iyo dheeraad ergo ah, waxaan sidoo kale ka soo qayb-galay hogaanka xisbiga KULMIYE.

Garabka Faysal Cali Waraabe ayaa cod taaga waxay ku qadaceen heshiiskii Golaha dhexe ee xisbiga UCID uu ku doortay Jamaal Cali Xuseen inuu noqdo musharaxa xisbigaasi 2012. Waxaa sidoo kale musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi loo doortay Eng. Faysal Cali Warbaabe.

Dhanka kale Garabka uu hogaaminaayey Musharaxa  Jamaal Cali Xuseen ayaa iyaguna shirk u qabsaday barxadda hore ee Huteel Maansoor, ka dib markii laga horjoogsaday inay huteelkaasi shirka ku qabsadaan hoolalkiisa.  Garabka Jaamal ayaa cod gacan taaga ah waxay musharax ugu doorteen Jamaal Cali Xuseen iyo halka gudoomiye loo doortay Xasan Cismaan Sabca. Shirka Garabka Jamaal Cali Xuseen waxaa ka soo qayb-galay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xukuumadda ayaa horjoogsatay inuu garabka Jamaal Cali Xuseen qabsado shirkiisii aan caadiga ahayn, waxaanay taageertay garabka Eng. Faysal Cali Waraabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.