Garabka Faysal Cali Waraabe ee Xisbiga UCID Oo Magacaabay Xubnaha Qaban-qaabadda Shirweynaha aan caadiga ahay ee xisbiga

Hargeysa – (warsoor) – Garabka Faysal Cali Waraabe ee xisbiga UCID ayaa maanta magacaabay xubnihii ay maxkamadda sare ee Somaliland go’aamisay inay qaban-qaabiyaan shirweynaha aan caadig ahayn ee xisbiga UCID.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodox Ku-xigeenka Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga UCID uu shirweynihiisii qaban doono 2 November 2016, si loo fuliyo go’aankii ay maxkamada sare ee Somaliland soo saartay.

cabdinaasir_qodox

Maxkamadds Sare ee Somaliland ayaa 25 September 2016 go’aamisay in xisbiga UCID uu muddo 60 maalmood ah guddahood ku qabsado shirweyne aan caadi ahayn, shirweynahaana ay soo qaban qaabiyaan toban xubnood oo ay soo kala magacaabi doonaan gudoomiyaha xisbiga iyo musharaxa madaxweynaha xisbigaasi mid shan xubnood.

Cabdinaasir Qodax oo ka hadaly 5-ta xubnood ee uu magacaabay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi, “Maadaama go’aamaddiii maxkamadda ay qasab tahay in la fuliyo, gudoomiyuhu wuxu garabkiisii magacaabay shan xubnood oo qaban-qaabinaya shirweynahaa aan caadiga ahayn. Shanta xubnood ee gudoomiyuhu magacaabay waxay kala yihiin: 1) Maxamuud Cali Jiir, 2) Maxamed Xasan Khayre Jabaas, 3) Cabdiraxmaan Axmed Cali, 4) Cabdiqaadir Salafi, 5) Cumar Daahir Cilmi”.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id oo aanu ka soo xiganay Horn Cable TV:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.