Galmudug oo shaacisay iney wanaagsan tahay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Guuleed

Cadaado – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa caddeeyay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay aad u wanaagsan tahay, ka dib qalliin lagu guuleystay oo looga sameeyay dhinaca wadnaha.

Wasiirku waxa uu xaqiijiyay in madaxweynuhu uu xalay casho sharaf u sameeyay dhakhtarkiisa Ramakanta Panda, oo ka mida 25-ka dhakhtar ee ugu muhimsan dalka Hindiya, kaasoo horay ugu soo guuleystay qalliimo dhowr ah oo uu ku jiro Ra’isal Wasaaraha iminka talada ka haya waddanka Hindiya Narendra Modi iyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuled.

Cabdikariin_Xuseen_Guuleed

“Qalliinka waxa uu u dhacay sidii aan u qorsheynay, wax dhib ahna lagalama kulmin ayuu yiri, Dr. Ramakanta Panda oo u mahad celiyay madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa baxnaaninta qalliinka lagu guuleytay ka dib wauxuu xalayto casha sharaf la qaatay dhaqtarkii qalliinka sameeyay,wuxuuna si weyn u bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee uu qabtay Dr;Ramakanta Panda.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa howlo caafimaad ugu safray dalka Hindiya Saddex Todobaad ka hor, waxana la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabto si uu u sii ambaqaado howlahii hoggaamineed ee maamulka Galmudug.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.