FBI-da ‘oo baareysa’ isku daygii dil ee Hamdok

KHARTOUM – (WARSOOR) – Baarayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baaritaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacada sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan.

Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da “ay saaka soo gaareen si ay ugu biiraan baarayaasha Sudan.”

Hamdok ayaa isaga oo aanay waxyeelo gaarin Isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa, ayada oo la adeegsanayo qarax lala beegsaday kolonyadiisa.

Baarayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof.

Golaha amniga iyo difaaca Sudan ayaa Isniintii kulmay, waxayna codsadeen caawimaad dibedda ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhanka ahaa Hamdok.

Mas’uuliyiinta Sudan ayaa xiray dhowr qof oo ay ku jiraan ajaaniib, sida uu sheegay Saleh, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sudan ayaa Arbacadii sheegtay in qaraxa uu sababay miino la dhigay waddada ay marayeen kolonyada Hamdok.

Xigasho: VOASOMALI