Askar Maraykanka iyo UK u dhashay oo lagu dilay duqayn Ciraaq laga fuliyey

Ciraaq – (warsoor) – Saddex qof ayaa ku ku dhintay kaddib markii saldhig ku yaal Ciraaq oo ay ku sugan yihiin ciidammo u dhashay Maraykanka iyo UK lala beegsaday gantaallo.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacmay, weerarkaas oo lagu qaaday saldhigga Taji, oo ku yaal waqooyiga Baqdaad.

Ciidammada Maraykanka sida laga soo xigtay, askari maraykan ah, qandaraasle isna Maraykan ah iyo askari Biritish ayaa ku dhintay inkastoo aan weli magacyadooda la faafin.

Xiisadda ayaa kacsanayd, tan iyo markii Maraykanku ay duqayn ku dileen Sarkaal sare oo Iiraani ah, waa Qasem Soleymaani e, bishii Janaweri.

Weerar aargudasho ah oo Iiraan ku qaaday al-Asad, waa saldhig kale oo martigeliya ciidammada Mareykanka 8dii Janaweri ayaa sababay in ka badan 100 askari uu kaga tago xannuun riiqda ee ku dhaca maskaxda ee loo yaqaan TBI.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan iyo US ayaa u muuqday inay xariiq nabadeed ka dhigteen arrimahaas, isla markaana ma ay jirin wax rabshado ah oo sii kordhay.

War qoraal ah oo ka soo baxay isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu xaqiijiyay in 18 gantaal lagu garaacay saldhigga isla markaana saddex ka mid ah isbahaysiga la dilay.

xilli hore, bartiisa twitter-ka , af hayeenka isbahaysiga ayaa sheegay in weerarka uu dhacay 19:35 waqtiga maxaliga ah (16:35 GMT) arbacadii. Wuxuu intaas ku daray in la bilaabay baadhitaan.

Wasiirka Difaaca ee UK ayaa ka sheegay dhacdadii ugu dambaysay: “Waxaan xaqiijin karnaa inaan ka warhayno dhacdada oo ay ku lug leeyihiin shaqaalaha adeegga UK ee ka hawlgala Camp Taji, Ciraaq.”

Warbixin uu soo saaray Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid “cabsi leh”.

“Xoghayahaga arrimaha dibedda wuxuu la hadlay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka waxaanan sii wadi doonnaa la shaqeynta saaxiibbadayada caalamiga ah si aan si buuxda u fahanno faahfaahinta weerarkaas foosha xun,” ayuu yidhi Boris.

Cidina ma sheegan inay iyagu mas’uul ka ahaayeen weerarkaas, isla markaana Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska weli ma aysan sheegin mas’uuliyaddaas cidda leh. Laakiin, wakhtiyadii la soo dhaafay, Washington waxay ku eedeysay kooxaha ay taageerto Iran ee Ciraaq inay qaadeen weerarro kuwan la mid ah.

Waxaa jiray warbixino sheegaya weerarro aargoosi ah oo ka dhaca meelo kale oo ka tirsan Ciraaq, oo u dhaw xadka Siiriya, laakiin lama xaqiijin.

Xiisadda u dhexeysa ciidammada isbahaysiga ayaa sii xoogeysatay sanadkii hore, ka dib markii dagaalyahanada maliishiyaadka ah ee Iiran taageertaa ay la bartilmaameedsadeen ciidamada Mareykanka iyo dad shacab ah dhowr gantaal. Waxaa sidoo kale dalka Ciraaq ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday xarumaha maleeshiyada iyo saraakiisha Iran.

Dabayaaqadii Diseembar, weerar lagu qaaday saldhig millatari oo Ciraaq ah ayaa lagu dilay nin qandaraasle ah oo Mareykan ah.

Mareykanku waxa uu ku eedeeyay maleeshiyadda awoodda badan ee Kataib Hezbollah. Waxay duqeyn cirka ah ka fuliyeen saldhigyadoodii galbeedka Ciraaq iyo bariga Suuriya oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 dagaalyahan.

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa markaa kadib waxaa soo weeraray dad badan oo mudaaharaadayaal ah waxaana madaxweyne Donald Trump uu uga digay Iran “inay kaga bixin doonto qiimo aad u weyn”.

3dii Janaweri, Mr Trump wuxuu ogolaaday duqeyn ka dhacday gegida diyaaradaha ee Baghdad in lagu dilo Soleimani – oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga isla markaana naqshadeeye u ahaa siyaasadda Iran ee bariga dhexe – iyo hogaamiyaha Kataib Hezbollah Abu Mahdi al-Muhandis.

Xigasho: BBCSOMALI