Faahfaahin ku saabsan Horjoogaha Shabaab ee isa soo dhiibay

Muqdisho – (warsoor) -Nuur Ibraahim Cabdulaahi oo Maleeshiyada argagaxisada Al shabaab u bixiyeen Magaca Sakariye ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xooga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud.

General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in Horjooge Nuur Ibraahim oo Maleeshiyada Al shabaab ee Gobolka Galgaduud u qaabilsanaa dhinaca Caafimaadka uu xalay la soo xiriiray shacabka ku nool Tuulo la yiraahdo Goobo, isagoona ka soo dhaqaaqay Tuulada Warxoolo, ka dibna waxaa soo xiriirisay gabar meesha degan taasoo muujineysa sida shacabka uga qeyb qaadanayaan Horjoogeyaasha Al shabaab ee isa soo dhiibaya.

Subaxnimadii Saaka ayaa lagu soo wareejiyay Ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo markii hore uu isku dhiibay Taliska Guutada 52-aad ee Gobolka Galgaduud.

General Axmed ayaa sheegay in Nuur uu ku biiray Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab isagoo 14-jir, markaas oo sida uu sheegay ay ka bedeleen magaca iyagoona u bixiyay Sakariye, wuxuu la shaqeynayay mudo shan sano, waxaana meesha ka cad sida Argagaxisada Al shabaab ay caruurta u adeegsanayaan.

Sarkaalkan Al shabaabka Galgaduud bari u qabilsanaa dhinaca caafimaadka ayaa sheegay inuu ka soo baxsaday Al shabaab isla markaana ay soo weerareen, isagoo wata Bistoolad ayuu iska difaacay wuuna ka soo baxsaday Maleeshiyadii dooneysay inay dilaan.

Axmed Maxamed Tareedisho wuxuu sheegay in hada ay iyaga gacanta ku hayaan Nuur, isla markaana ay baaritaano ku wadaan ka dibna sida uu sheegay waxay u gudbin doonaan Hay’adaha dowlada ee arimahaasi shaqada ku leh.

 

 

Xigasho: Xigashoĺ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.