Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala badh shaqaalaha Twitterka

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo.

Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.

Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha.

Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso.

Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi “maxaan idinka caawin karaa”

Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh.