Garsoorayaal Kubadda Cagta oo Xilkii La Qaaday

Garsoore Maax Muuse ayaa laga qaadey xilkii Guddoomiyaha Garsoorka Kubadda Cagta Somaliland.

Garsoore Faarax Bookh, ayaa isna laga mamnuucey Garsoorka Ciyaaraha Somaliland, sharciga ayaana lala tiigsanayaa.

Calanwade Cawil Qorane, ayaa isna laga mamnuucey Garsoorka kubadda cagta.

Dhammaantood waxaa galaafatay ciyaar natiijadeeda lagu murmay, taasi oo dhex martay toddobaadkii hore Kooxaha Goodir iyo Waaxool. Waxaana ciyaartaasi Garsoore ka ahaa Faarax Bookh.