Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay abaaraha Ka jirta Dalka

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hada shir jara’id oo deg dega kaga hadlaya xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha binu aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee Gado.

Guddigan wasiirada ah ayaa waxay kala yihiin, Wasiirka Gargaarka iyo  Maaraynta Masiibooyinka, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada , Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha, Wasiirku Xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ah Guddoomiyaha Guddiga.