Dowladda Qatar oo ka qayb qaadanaysa dib u dhiska Dalka Soomaaliya

Qadar – (warsoor) – Amiirka Dalka Qatar  Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta Waddanka.

Ballan qaadkan ayaa yimid ka dib kulan ballaaran oo ay Magaalada Doxa ee Caasimadda Dalka Qatar ku wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Madaxmed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne farmaajo iyo Amiirka Qatar  ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo Laba jibbaari lahaa doorka firfircoon ee ay xukuumadda Doxa ku leedahay Soomaaliya.

Mudane Farmaajo iyo wafdigiisa wasiirrada ah ayaa uga mahad celiyey Dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan Dalka.

Waxaa intii uu kulankaasi socday isla Magaalada Doxa heshiisyo ku saabsan iskaashiga Labada Dowladood ku yeeshay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed iyo dhiggiisa Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.