Dowlad Goboleedka Puntland oo la gudoon siiyay Gaadiid Ciidan

Garoowe – (warsoor) – Afartaan Gaari ayaa waxaa Maalgelisey Hay’adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada ee deegaanadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa kaddib markii uu ka guddoomey hay’addaasi gaadiidka ay dawladda guddoonsiisey waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay dawladda ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sugidda nabad-gelyada, barnaamijka ileyska cad-ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey magaalooyinka Puntland iyo ceelal biyoodyo laga hirgeliyey deegaanada laamiga ka baxsan.

madaxweyne_ku_xigeenka_puntland

kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in gaadiidkaani ay qayb weyn ka qaadan doonaan dadaalka ay puntland ugu jiro sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ahaan magaalooyinka Puntland isla markaana ay meesha ka saari doonto baahiyihii ay degmooyinkaasi ka qabeen dhinacyada xabsiyada iyo soo qabashada dembiilayaasha.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa gaadiidkaasi waxa uu ku wareejiyey Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxar-diid si uu taliyuhu ugu sii wareejiyo gaadiidkaasi Taliyayaasha qaybaha ee gobollada kala duwan ee ayka  kala dirsan yihiin degmooyinkaasi.

Xigasho: sonna

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap