Diyaaradda Itoobiya Airlines oo Khasaartay $550 milyan oo dollar

ADDIS ABABA – (WARSOOR) – Diyaaradda ugu weyn Afrika ee Itoobiyaan Airline ayaa sheegtay inay khasaartay in ka badan nus bilyan dollar tan iyo intii uu dunida ka dilaacay caabuqa Coronavirus, balse Guddoomiyaha guud ee diyaaraadaasi ayaa sheegtay in diyaaraddu ay sii waddi karto duulimaadyadeeda dhinaca kaargoga.

Guddoomiyaha diyaaradda Itoobiyaan Airline Tewolde Gebremariam ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaradaha diyaaradooda soo gaadhay aanu hayan mid khatar dhaqaale ku ah, balse ay hawlaheedii sidii caadiga ah u socdaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in 3 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda laga heley xanuunka Covid-19, balse ay xaaladoodu tahay mid dagan.

Ethiopian Airlines CEO Tewolde Gebremariam speaks during a news conference amid concerns about the spread of coronavirus disease (COVID-19), in Addis Ababa, Ethiopia April 7, 2020. REUTERS/Tiksa Negeri