Muqdisho – (warsoor) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ku burburtay Diyaarad ay leedahay Shirkada Bancroft, waxaana la xaqiijiyay in khasaaro uusan ka dhalan maadaama dadkii saarnaa ay u suurta gashay inay ka boodaan.
Diyaarada ayaa markii hore soo gudbisay Fariin deg deg ah oo ay ku sheegeyso cilada heysata oo aheyd in diyaarada ay lugaha u bixi waayeen balse ugu dambeyn waxay ku burburtay garoonka.
Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga.
Xigasho: SONNA
This post is also available in:
Somali