Dhimashada iyo Kiisaska cusub ee Covid19 oo ‘kordhay Somaliland’

HARGEYSA – (WARSOOR) – 16 Qof oo cusub ayaa laga helay cudurka covid19 maanta , sidoo kalena waxaa xanuunkan u dhintay ilaa hadda 8 qof oo 2 ka mid ah ay maanta geeriyoodeen.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa maanta oo sabti ah shaacisay xogtii ugu badnayd ee laga helo cudurka Corona Virus tan iyo markii uu dalka ka dilaacay bishii March.

Wadarta guud ee ilaa iminka laga baadhay cudurka ayaa ah 586 qof, kuwaasoo laga helay 103 kamida. Xanuunka waxaa ka bugsaday 8 qof.

Dawladda ayaa kordhisay wacyi-gelinta bulshada looga sheegayo qalabka warbaahinta iyo meelaha kale.

Hase ahaatee wali waxa sidoodii u shaqaynaya suuqyada waaweyn ee lagu iibinayo baddeecadaha dharka iyo alaabooyinka kale ee Ciida oo aad mashquul ah, maadaama maalmo kooban inaga xigaan curashada bisha Soonfur ee Ciidul fidriga.