Somaliland Oo Deeqda Qatar Ku Qaabishay Darajo Hoose Halka Ay Tii UAE Ku Qaabishay Darajo Sare

Hargeysa – (WARSOOR) – Dawladda Qatar ayaa deeq caafimaad oo loogu tallo galay ka hortagga xanuunka Covid_19 soo gaadhsiisay dawladda JSL.

Deeqdan oo ay siday diyaarad ciidan, waxa waday safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya danjire Xassan bin Xamza Hashem, waxa ay dawladda Somaliland ku qaabishay qaab hoose, waxaana deeqda ka guddoomay weftiga Qatar saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, guddoomiyaha hay’adda ka hortagga aafooyinka iyo masiibooyinka iyo masuuliiyiin kale.

Toddobaadyo ka hor waxa iyaguna deeqdan caafimaad oo kale keentay Somaliland dawladda Imaaraadka Carabta, waxaana deeqdaas madaarka kaga guddoomay wasiirada maaliyadda, diinta iyo awqaafta iyo caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu saraysay.

Faraq weyn ayaa u dhaxeeya labada qaab ee ay Somaliland ula kala wareegtay labada caawimooyin ee UAE iyo Qatar. Deeqda UAE waxa ay dawladda Somaliland ku qaabishay darajo sare, halka ay deeqda Qatar ku guddoonay darajo hoose.

Dawladda UAE iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan waxaana hadda dekedda Berbera maamusha oo lagu wareejiyay shirkadda DP world ee laga leeyahay dalka UAE, waxaana Somaliland dalka UAE u jooga wakiil diblomaasiyadeed.

Ma jiro wax xidhiidh ah oo deeqdan ka hor ka dhaxeeyay Qatar iyo Somaliland, waxaanay u dhowdahay inay Qatar deeqdan u wehelisay inay xidhiidh diblomasiyadeed oo deeqdan ka curta la bilowdo Somaliland. Deeqdan ayaa ahayd deeq ay dawladda Qatar si toos ah u soo dhiibtay oo ka duwan nidaamkii hay’adaha gargaarka ee ay hore deeqaha ugu soo marin jirtay dawladda Somaliland.

 Danjire Hassan bin Hamza Hashem ayaa ah diblomaasi khabiir ku ah arrimaha xidhiidhka caalamiga ah. Nidaamka diblomaasiyada dunida ayaa waxa rukumadiisa ka mid ah marka uu safiir shisheeye dalkaaga yimaado inaad ugu yaraan u dirto dhiggiisa amaba saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradaada arrimaha dibadda. Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ku sugnayd madaarka

Geesta  kale diyaaradii deeqa Qatar siday markii ay ka kacday Hargeysa waxa ay toos u tagtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaanay dawladda Soomaaliya guddoonka deeqda u soo dirtay wasiirkeeda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.