Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo gaadhay Dalka Imaaraatka Carabta

Abu Dabia(warsoor)–Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Madaxda ugu Sareeyso Wadanka Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kala hadli doono xoojinta Xidhiidhka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga, dhaqaalaha ,iyo dhanka arimaha Bulshadda.

Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo oo shalay gaadhay Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey dalkaasi.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay saameyn xoog leh ku yeelaneysay Soomaaliya, waxaana shirkad dalkaasi laga leeyahay  ee DPWorld si buuxda ula wareegtay Dekadda Boosaso, waxa dhinaca kale ay  Emaaradku hashiish la gashay xukumadda jamuuriyada somaliland xahiish dhan muddo 30 sano ah dekadda Berbera iyo saldhiga military base ah .

.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Deg Deg Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay muqdisho

Muqdisho-( warsoor)-Waxaa goordhaw qarax xogan uu ka dhax dhacay xero ay ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Ex -Warshadii hore ee Nac naca ee Degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa ismiidaamin uu fuliyay nin xidhnaa dareeska ciidanka Milatariga , waxa uuna qaraxa ka dhacay gudaha xerada halkaas oo lagu tababaro ciidanka Milatariga.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ninkan qarxay uu beegsday goob lagu tababarayay ciidanka Milatariga halka warar kalana sheegayaan in uu beegsaday goob ciidanka Milatariga lagu siinayay mushaarkii dawlada .

ugu yaraan shan qof aya ku dhintay qaraxa ismidaaminta aha , qaraxan aya ku soo beegmaya maalmo ka dib qaraxii lala beegsady  taliyaha ciidammada oo ka badbaaday isku day dil maalmo sii horeysay , waxa qarxaa hore sheegtay  al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.