Dallada SONYO Oo La Kulantay Gabarka Dhallinyarada Ee Xisbiga Waddani

Hargeysa – (warsoor) – Masuuliyiinta ugu sareeya Dallada Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO oo uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdul-casiis Siciid Saalax, Gudoomiye-ku-xigeenka Maxamed Jaamac Siciid, Xil. Cabdale iyo Agaasimaha Fulinta Cumar Cismaan Miigane ayaa Kulan Hadhimo Sharafeed ah u sameeyay Hogaanka Garabka Dhalinyaradda ee Xisbiga WADANI oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Maxamed Sidiiq Cabdilaahi (Dhamme).

Kulankan waxaa uu ka qabsoomay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargaysa waxaanu hordhac u yahay kulamo joogto ah oo ay u balansan yihiin inay la kulmaan Dhamaan Hogaanka Garabyadda Dhalinyaradda ee Xisbiyadda Qaranka oo dhan. Ujeedada kulankan oo daarnaa dhawr qoddob oo ay ka mid yihiin.

Xogwaraysi iyo xoojinta xidhiidhka dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranka.

In dalladda SONYO iyo garabyadda xisbiyadda qaranku ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka xilliyada ololaha iyo doorashadda.

In dhallinyaradu way horseed u noqdaan maamul-wanaagga iyo dawladnimada iyo habraaca doorashooyinka xisbiyadda qaranka.

  • In garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranku ka soo qaybgallaan Kal-fadhiga Gollaha Sare ee Hoggaanka Dalladda SONYO kaas oo dhici doonna badhtamaha bisha sagaallaad. Halkaas oo ay ku soo bandhiggi doonaan barnaamij siyaasadeedka xisbiyadda gaar ahaan inta ku aadan dhallinyarada iyo horumarkooda. Xogwaraysi iyo xoojinta xidhiidhka dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranka.
  • In dalladda SONYo iyo garabyadda xisbiyadda qaranku ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka xilliyada ololaha iyo doorashadda.
  • In dhallinyaradu way horseed u noqdaan maamul-wanaagga iyo dawladnimada iyo habraaca doorashooyinka xisbiyadda qaranka.
  • In garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda qaranku ka soo qaybgallaan Kal-fadhiga Gollaha Sare ee Hoggaanka Dalladda SONYO kaas oo dhici doonna badhtamaha bisha sagaallaad. Halkaas oo ay ku soo bandhiggi doonaan barnaamij siyaasadeedka xisbiyadda gaar ahaan inta ku aadan dhallinyarada iyo horumarkooda.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed Siddiiq Dhamme oo SONYO uga mahadceliyay casuumadda ay u fiddaysay SONYO sidoo kale wuxu ballanqaaday in garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani uu SONYO kala shaqaynayo arrimaha ku saabsan wacyigelinta dhallinyarada ee doorashadda iyo doorka dhallinyaradu ku leeyihiin xisbiga waddani.

Kulan waxa uu hordhac u yahay kulamo joogta ah oo ujeedooyinkoodu yihiin in si tolmoon u wada shaqeeyaan dalladda SONYO iyo garabyadda dhallinyarada ee Xisbiyadda Qaranka.

Ugu dambayntii, dalladda SONYO waxay u mahadcelinaysaa dhammaan garabyadda dhallinyarada ee dhammaan xisbiyadda qaranka iyo guud ahaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.