Coronovirus oo Afrika Ku Sii fiidaya

Afrika – (warsoor) – Cudurka Coronovirus ayaa laga dhawaaqay in lagu arkay dalalka Kenya, Itoobiya, Suudaan iyo Gini Jimcihii, cudurka ayaa hadda ku fiday ilaa 18 dal oo qaaradda Afrika ku yaala.

Xalaadda Coronovirus ayaa sidoo kale laga soo sheegay in lagu arkay dalalka Marooko, Tuuniisiya, Masar, Aljeeriya, Sinigaal, Kamaruun, Togo, Burkiina-faaso, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, South Afrika, Nayjeeriya, Ivory Coast, Gaaboon iyo Gaana. Balss dalalkana ayaa intoo badan la sheegay in hal kiis lagu arkay.

Dalka Kiiniya ayaa la sheegay in xanuunka laga helay gabadh 27 jira oo ka soo noqotay Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London 5 March.

Itoobiya ayaa la sheegay in laga helay haweenay 48 jir oo u dhalatay Jabaan, taasi oo Itoobiya soo gashay 4 March, 2020.

Dalka Gini ayaa laga helay gabadh shaqaale ka ahayd Midowga Yurub taasi oo Yurub ka soo laabatay.