Itoobiya: Soomaalida oo aanan helin kuraastii ay ka filayeen baarlamaanka dalkaas

Itoobiya – (warsoor) – Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi.

Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya.

Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 goobood.

Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota:

  • Deegaanka Oromada: 178 kursi
  • Deegaanka Amxaarada: 138 kursi
  • Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi
  • Deegaanka Tigreeda: 38 kursi
  • Deegaanka Soomaalida: 23 kursi
  • Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi
  • Deegaanka Canfarta: 8 kursi
  • Deegaanka Gambeella: 3 kursi
  • Deegaanka Harerida: 2 kursi
  • Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi
  • Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi

Haddaba gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in goob doorashooyinka ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo aanay waxba ka badelin.

Mideqsa waxa ay intaasi sii raacisay in goob doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay 1984, waxaase goob doorashooyinkaas dalka laga dhaqangeliyay 1993-kii.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hore uga cabatay kuraasta uu deegaanku ku leeyahay golaha shacabka ee dalkaas.

Deegaanka ayaa dalbaday in ugu yaraan 7 xubnood loogu kordhiyo 23 kursi ee uu hore u lahaa, maadaama ay korortay tirada shacabka deegaankaas.

Xigasho: BBCSOMALI