Ciidanka DF iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ku wargaliyeen Booliska rag hubeysan oo dhac ka gaysanayey xaafadda Gubta ee degamadaasi, waxaana kadib goobta soo gaaray ciidamada oo la dagaalamay kooxdaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay hal qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana saaka degmada Dayniile baaritaano ka wada ciidamada dowladda, si looga hortago kooxaha dhibaatada ka wada degmadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ka soo yeereysay qeylo dhaan la xariirta dhibaatooyin amni oo ka jira degmooyinkaasi.

Xigasho: Caasimadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.