Ciidamada Booliska Soo Shaaciyey Inay Qabteen Dad Maleegaayey Shirqoole iyo Taliyaha oo amar bixiyey

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay hawl-gal ay maanta sameeyeen ciidamadu oo ay gacanta ku soo dhigeen dhawr qof oo qorshaynaayey falal ay ku waxyeelaynayaan amaanka bulshadda Somaliland ee u diyaar garoobaysa ciida Al-xadda.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa warbaahinta u xaqiijiyey hawl-galkaa ay qaadeen, waxaanu sheegay in aay baadhitaan ku waddaan dadka ay soo qab-qabteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale beeniyey warar ay warbaahintu baahisay oo ku saabsana maxaabiis la sheegay in ay dhawr habeen ka hor ka baxsadeen Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ciidamada Booliska Somaliland amray inay adkeeyaan amaanka dalka, heegan buuxana ay ku jiraan.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.