AMIIR WILLIAM KA INGIRIISKA OO KU BIIRAY MADAXDA REER GALBEEDKA EE DAGAALKA UKRAINE UU CUNSURINIMADOODA FASHILIYEY

Dhaxalsugaha labaad ee boqortooyada Ingiriiska, Amiir William ayaa ku biiray liiska hoggaamiyeyaasha, saxafiyiinta iyo labeenta kale ee reer galbeedka ee uu dagaalka Ukraine fashiliyey cunsurinimada ku jirta.

Amiir William oo ah curadka dhaxalsugaha boqortooyada Ingiriiska ayaa ku andacooday in colaadaha lagu yaqaanno Afrika iyo Aasiya, laakiin wax lala yaabo ay tahay in Yurub lagu arkaa”

Tan iyo markii uu dagaalka Ukraine bilowday, hoggaamiyeyaal siyaasadeed, warfidiyeenno, aqoonyahan iyo dadyow kala duwan oo reer Yurub ah ayaa siyaabo kala duwan ugu celcelinayey dareenkooda ah in aanay suurtagal ahayn, in ay qaxaan ama dagaal ku habsado dad caddaan Kiristaana ah.

Sida uu baahiyey wargeyska ‘The independent’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Amiir William ayaa isaga iyo afadiisu ay booqdeen xarun dhaqanka Ukraine ah oo ku taalla London. Hadalka uu dadka joogay u sheegayna waxaa ka mid ahaa, “Dadka Ingiriisku waxa ay la qabsadeen in colaado lagu arko Afrika iyo Aasiya, waana wax aad loola yaabo in lagu arko Yurub”

Ereyadan ayaa ka cadhaysiiyey dadyowga labadan qaaradood, waxaana baraha bulshada ku xidhiidho iyo warbaahinta kalaba aad ugu faafay hadallo amiirka cunsuriyaddiisa lagu dhaliilayo.
Waxaa ka mid ah tifatiraha wargeyska ‘The Print’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo faallo uu ku qoray bartiisa twitter ka ku yidhi, “Hindiya waa ay boobeen khayraadkeedii [Ingiriisku], illaa ay gaadhay in dadku u dhintaan gaajo iyo ciqaabta loo geysanayey. Illaa maantana dalalka Qaarad la moodka Hindiya waxaa haysta xasarado iyo dhibaatooyin ka dhashay midhihii ay sii beereen”

Jake Tapper oo ah weriye ka tirsan talefishanka CNN ayaa isaguna amiirka ugu jawaabay bartiisa twitter ka, “Saaxiib bal akhri kitaab laga qoray qoyskaaga” Jake waxa uu farriintan raaciyey Sawirrada boqorkii Ingiriiska, Edward kii siddeedaad iyo xaaskii oo la kulmayey Adolf Hitler, sannadkii 1937.