Alba oo ku biiray kooxda Inter Miami

Daaficii hore ee Barcelona Jordi Alba ayaa Lionel Messi kula biiri doona Inter Miami, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha kooxda horyaalka Major League Soccer (MLS) Jorge Mas maanta.

34-sano jirkaan ka ciyaaraha dambeedka bidix ayaa Barcelona fasaxday dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu u ciyaaray in ka badan 450 kulan, isagoo kula guuleystay Champions League 2015, lix horyaal oo LaLiga ah, shan Copa del Rey, afar Spanish Super Cups iyo koobka aduunka ee naadiyada.

Alba, oo in ka badan 90 kulan u saftay Spain, ayaa qeyb ka noqon doona kooxdii hore ee Barcelona oo hadda laf dhab u ah kooxda Inter Miami, iyadoo Messi iyo Sergio Busquets ay horay ugu soo biireen kooxda.

“Hore ayuu u saxiixay qandaraaskiisa, wuxuuna imaan doonaa maalmaha soo socda. ayuu yiri bababre Tata (Gerardo Martino) isaga ku xisaabtamaya.

Miami ayaa sidoo kale raadineysa inay la soo wareegto ciyaaryahan kale oo hore ugu soo ciyaarayay Barca, waana weeraryahanka Uruguay Luis Suarez, kaasoo u ciyaara Gremio ee Brazil.