Al-Shabaab oo Qarax ka fulisey gudaha Kenya

KENYA – (WARSOOR) – Xarakadda Alshabaab ayaa weeraray ay u adeegsatay miida dhulka lagu aaso la beegsatay cutub ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ee ku sugan deegaanada xadka la wadaaga Soomaaliya.

Weearkan miinada ah waxaa ku dhintay Todoba ciidamada booliksa Kenya ka tirsan oo marayey wadada isku xidha tuulooyinka Konton iyo Khorof Xaraar oo 20 km u jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya, kana tirsan degmada Wajeer ee Kenya.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan. Warbaahinta taabacsan Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay weeraro kale oo ay Alshabaab ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ku dishay dad iskugu jira ciidan iyo shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.