Adiga oo Suxuuranaya Haddii la eedaamo Miyaad sii wadaysaa?

Hargeysa – (WARSOOR) Qofku in uu suxuurto habeenkii axaadiistu way booriyeen, Rasuulku NNKH, wuxu sheegay in suxuurtu barako tahay. Axaadiista wanaagga ku tilmaamaysaa suxuurta waxa ka mid ah in Rasuulku leeyahay: wali dadku khayr ayey ku sugan yihiin intay dedejinayaan afurka, suxuurtana dib u dhigayaan.

Wanaaggu maaha in cashada iyo suxuurta la israaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta.

Suxuurtu waxay leedahay wakhti habboon oo la suxuurto, kana sugan Rasuulka NNKH. Xadiiska Anas bin Maalik wuxu sheegayey in suxuurta iyo eedaanka salaadda subax ay u dhaxaysay inta lagu akhriyo konton aayadood.

Wakhtiga la suxuuranayo iyo wakhtiga suxuurta la joojinayo waxa inoo sheegay Alle SWT. Suuradda Baqara wuxuu ku yidhi,” Cuna oo cabba intay kala caddaanayaan xadhiga cad iyo xadhiga madow.” Dunta cad waxaa looga jeedaa Iftiinka dharaartii, Dunta madawna waxaa looga jeeda mugdiga habeenkii.

Xadiiska Bukhaari soosaaray Rasuulku NNKH, wuxuu ku yidhi, “Bilaal kolka uu eedaamo (daakiraadda) cuna oo cabba, marka uu eedaamo Ibnu Umi Maktuum joojiya cunista iyo cabbista.”

Aayadda Quraanka ah iyo xadiiskan sugan waxay si cad u sheegayaan wakhtiga la suxuuranayo iyo wakhtiga la joojinayo. Waxaanay leeyihiin hala joojiyo suxuurta kolka salaadda subax la eedaamo.

Waxa iswaydiin leh adiga oo cunto ama cabbis afka ku haya haddii la eedaamo mala sii wadayaa mise waa la joojinayaa? Su’aashan waxa keenay xadiiska Abu Hurayra wariyey ee leh: hadduu midkiin eedaan maqlo isaga oo cunto afka ku haya, yaanu cuntadaa joojin ilaa uu muraadkiisa ka dhamaysanayo-dhergayo.

Ugu horrayn sugnaanta xadiiska su’aal baa la geliyaa oo culimada sugista axaadiista ku horraysa qaarkood ayaa daciif ku sheega xadiiska.

Ibnu Xaatim xadiiska wuxuu ku duraya in Xamaad binu Salama ay iskaga khaldantay cidda u ka wariyey, sidaa darteed uu marba qolo sheegayo in uu ka wariyey, iyada oo la xuso intii dambe ee noloshiisa in uu ilow haleelay.

Ibnu Qaddaan wuxuu la qabaa Ibnu Xaatim in aanu xadiisku sugnayn. Ibnu Xasmi isagu wuxuu leeyahay xadiisku waa mucalaq. Ishbiili, Suyuudi iyo Ibnu Taymiya xadiiska way sugayaan iyagu.

Xadiiskani haddii u sugnaado, xujo u noqon maayo in la sii wado cunista iyo cabbista iyada oo eedaankii subax socdo ama la gaadhay. Culimada madaahiibtu waxay leeyihiin: eedaan uun baa la sheegay ee mid uu yahay labada lama sheegin, sidaa darteed xadiiska hore wuxuu caddaynayaa in xilliga cunista iyo cabbista la joojinayaa uu yahay eedaanka salaadda subax.

Sheekh Albaani oo ka mid ah culimada casriga ee xadiiska sugay, isagu wuxu isku waafajiyey labada xadiis in midka hore uu caam yahay, kan Abu Hurayra isagu khaas yahay oo la raacayo, sidaa darteed qofka cunto gacanta ku hayaa aanu eedaan u joojinayn ee uu dhamaysanayo.

Haddii la yidhaa labada xadiis hala is waafajiyo midda ugu habboon waa iswaafajinta ay sameeyeen culimada madaahiibtu ee ah in xadiiska hore sheegay wakhtiga joojinta suxuurta. Xadiiskuna haysto aayadda Quraanka ee xadaynaysa wakhtiga la joojinayo suxuurta oo ah eedaanka xadiisku sheegayo.

Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay fatwodeen in aanay banaanayn cunista iyo cabbista iyada oo eedaankii subax la gaadhay.

Qore : Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap