Abaanduulaha ciidanka XDS oo sheegay inay sameynayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho – (warsoor) – Taliska Ciidanka Malatariga Dalka ayaa shaaciyey in ciidanku galeen digaar garowgii ugu danbeeyey ee weerar lagu qaadayo goobaha ay joogaan meeleeshiyaadka Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo dhibaato ku haya shacabka.

“howlaha ugu muhiimsan waxa ay tahay inaan galno howlgallo ka dhan ah argagixisada, diyaar garow fiican ayaan ku jirnaa, saacadkasta ayay bilaaban kartaa, anaga oo fulineyno awaamiirta madaxdeena, waxaana rabnaa inaan qaadno howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada xoogga, si guud ahaan dalka looga sifeeyo haraadiga Al-Shabaab.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.