Hargeysa – (warsoor) – Fadhi ay maanta yeesheen golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa lagu cod loogu qaaday go’aankii madaxweynaha Somaliland ee uu ku kala saaray doorashadda Golaha wakiiladda iyo ta madaxtooyadda oo hore loo go’aamiyey in mar ay wadda dhacaan.
Fadhigan maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo ay soo xaadireen 59 xildhibaan, waxaa ugu horayn go’aankii madaxweynaha Golaha u akhriyey xoghayaha golaha wakiiladda Cabdirisaaq Ayaanle, waxaana markii uu dhamaystiray.
Gudoomiye ku-xigeenka Golaha wakiiladda Somalialnd Md. Baashe Maxamud Faarax ayaa cod gacan taag ah u qaaday go’aanka madaxweynaha waxaanu ogolaaday in labadda doorasho la kala qaado 52 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan waa diideen, hal xildhibaan waa ka aamusay gudoomiyuhuna muu codayn, go’aankaasina sidaasi ayuu ku ansaxay.
Halkan ka daawo go’aanka xildhibaanadda golaha wakiiladda oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka Somaliland ee Somaliland News Agency (SOLNA):