Hargeysa – (warsoor) – Munaasibad Balaadhan oo hadhimo Sharafeed Ah Ayaa uu Wasiirka Wasaarada Khayraadka biyaha Xuseen Cabdi Boos Maanta ugu Sameeyey Magaalada hargaysa gaar ahaana Hotel Diiriye Qaar Ka mid ah qoorweynta,salaadiinta,cuqaasha,waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaanka ceel afweyn ee gobolka Sanaag.
Munaasibadan oo uu Wasiir Xuseen cabdi Boos uga Dan lahaa Xoojinta Adkaynta Nabadgelyada,Midnimada Gobolka iyo isku soo Dhoweynta Dadka Deegaanka Ayaa waxaa Goobjoog ka Ahaa Garaad Cabdilaahi Guuleed, Boqor Maxamed Nuux Aadan,Suldaan Cali Yuusuf Badacas, Caaqil Jafaal, Jiif Caaqil Aadan maxamed jaamac, Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac, Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed,Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf,Caaqil Axmed Jaamac Dafac ,Isuduwaha wasaarada Warfaafinta Gobolka Sanaag MAxamuud Maxamed Xasan SARAAF,Maayar xigeenka Degmada Ceerigaabo,Aqoonyahano,Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro Aad u Tira badan.
Halkan ka daawo warkan: