Xuutiyiinta oo duqeeyey Garoomo ku yaalla Sacuudiga

SAUDI ARABIA – (WARSOOR) – Afhyeenka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Col Yaxye Sariic ayaa sheegay inay saakayto Diyarado Daroonis oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyey ku weerareen 2 Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla gudaha dalkaasi.

Duqeynta 1-aad waxay uu xusay inay la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Dagaalka ee magaalladda Jisaan oo u dhow xuduudka Yemen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay weerar 2-aad ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Khamiis Mushayt oo ku taalla K/Galbeed ee Sacuudiga.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Duqeyntaasi u adeegsadeen 2 Diyaaradaha Darooniska ee noocoodu yahay QasIf 2.

Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta waxa kale oo uu tilmaamay inay Beegsigaasi kaga aar-goosanayaan Go’doominta ay Isbahaysiga Sacuudiga geliyeen dalkiisa Yemen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, mar sii horeysay waxay Isbahaysiga Scuudiga sheegeen inay Hawada ku burburiyeen Diyaarad Daroonis oo ay Kooxda Xuutiyiinta la maaganaayeen magaalladda Khamiis Mushayt oo ku taalla K/Galbeed ee dalkaasi.