Xulka Gobolka Maroodi-jeex Oo Laba Gool Iyo Hal Gool Kaga Badiyey Xulka Gobolka Awdal

Hargeysa – (warsoor)- Xulka gobolka Maroodi-jeex ayaa u gudbay afar dhamaadka tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda Garoonka Hargaysa Stadium ee caasimadda Hargaysa, kadib markii ay ka guulaysteen xulka gobolka Awdal.

Labada xul ayaa soo bandhigay hannaan ciyaareed ku dhisan weerar iyo weerar celis iyada oo xul kastaa ku dedaalayey sidii ay guul ugala hoyan lahaayeen garoonka Hargaysa Stadium.

Daqiiqaddii 33aad ee qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa xulka gobolka Maroodi-jeex waxa goolkoodii koowaad u xaqiijiyey ciyaartoyga Guuleed Kayse oo u sita lambarka 16aad, iyada oo ay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay hal gool iyo ebber ay xulka gobolka Maroodi-jeex ciyaarta ku hogaaminayeen.

Markii la isugu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta oo labada xulba la soo tashadeen tababarayaashooda ayay la gole yimaadeen qaab ciyaareed farsamadiisu sarayso.

Xulka gobolka Awdal ayaa daqiiqaddii 54aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta waxay la yimaadeen goolkoodii koowaad ee barbar dhaca ahaa oo uu u dhaliyey ciyaaryahanka Culusay oo u sita lambarka 10aad.

Hasa Yeeshee xulka gobolka Maroodi-jeex ayaa daqiiqaddii 88aad keensaday goolkoodii labaad ee ay guushu ku raacday gobolka Maroodi-jeex, kaas oo uu u xaqiijiyey kabtanka xulka Maroodi-jeex Cabdikariin Guji oo u sita lambarka 63aad.

Ciyaartaas ayaa ku dhamaatay laba gool iyo gool ay guushu ku raacday xulka gobolka Maroodi-jeex oo la yimid 2 gool iyo xulka Awdal oo keensaday 1 gool.

Beri oo Salaasa ah waxaa wada Ciyaari doona Xulalka Daad-madheedh iyo Sool.