Xukuumadda Somaliland oo War-saxaafadeed ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay Laascaanood

HARGEYSA -(WARSOOR) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalka maanta ka dhacay magaaladda Laascaanood.

War-saxaafadeedkan oo ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa u dhignaa sidan:

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.

Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah.”

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.