Xukuumadda Somaliland oo U Jawaabtay Mucaaridka

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale,ayaa si adag uga jawaabay hadal jeedintii Mucaarid ee xalay oo ahaa hadallo mucaaridku ay ku sheegeen in Somaliland aanay dawladi ka jirin oo aanay aqoonsanayn in Somaliland dawlad leedahay.

Waxaanay wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha boolisku caddeeyeen in dalku ammaan yahay isla markaana ay nabad gelyadiisa u xilsaaran tahay xukuumadda Somaliland,waxaanay mucaaridka ugu baaqeen in ay u diyaar garoobaan doorasho haddii ay masiirka qaranka Somaliland wanaagiisa ay doonayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaa kale oo uu caddeeyay in xisbiga KULMIYE dadka aanu dhiig iyo naf midna waydiisanayn ee ay umadda cod ka doonayaan.

Halka uu isdul taagay siday ku timi middo kordhinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo sameeyay iyo in ay sameeyeen golihii sharciga u lahaa ee hore Cabdiraxmaan Cirro ugu kordhiyay muddadii 12 sano ahayd ee oo guddoomiyaha wakiilada ahaan marka laga reebo shan sano oo la soo doortay.

Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI, markay leeyihiin madaxweynaha iyo xukuumadda ma aqoonsanin waxay ka dhigan tahay in aanay aqoonsanayn in aan wax dawlad ahi ka jirin dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu mandaqada, geeska Afrika, qaarada iyo caalamkaba kaga jiraa wadamada ugu wanaagsan xagga nabad-gelyada, wuxuu kaga jiraa in barmaamujka dimuquraadiyaddeed iyo doorashooyinka wadamad Afrika ugu horeeya kamid yahay, wuxuu kaga jiraa in ilaa 2002-dii laga qabtay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay kormeerayaasha caalamku ka qaybgaleen.

Waxa nasiib-darro ah in caawa (Xalay), rag Somaliland doonaya inay madaxweyne ka noqdaan, horena ugu soo tartamay ay yidhaahdaan Somaliland wax dawlad ahi kama jirto, taasoo micnaheedu uu yahay waa dal aan madax lahayn, waa dal aan sharci ka shaqayn, waa dal qof waliba qorigiisa ku xoogsado, illaahay inama geliyo ee waxaan doonaynaa in aan shacabka Somaliland u sheegno:

Somaliland Nabad-gelyaddeedu waa mid taama, waa nabad-gelyo ka jirta 101 Degmo iyo 14 gobol ee dalku ka kooban yahay, waxaanan taasi tusaaale iyo markhaati ugu soo qaadanayaan hawshii todobaadyadii u dambeeyey socotay ee madax-taabashada ururrada ee laga qabtay lixda gobol Doorasho. Hawshaas waxa ka qaybgalay dad lagu qiyaasay siddeetan kun oo qof, oo isugu jira taageerayaasha ururrada, Ciidanka amaanka iyo shaqaalaha Ururrada, intii ay socotay lama soo sheegin meel qudha oo ay dhibaato ka dhacday. Meel laba qof isku dhaafeen, meel gaadhi ku dhacay. Arrintaasoo kale kamay dhacdeen dalal badan oo Afrika ku yaalla.

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka jawaabayay hadalka Mucaaridka ee ahaa Somaliland dawladi kama jirto waxa uu yidhi.

“Waxa ayaan-darro ah in dadkii dalka codka ka doonayey inay yidhaahdaan maanta dawladdi kama jirto,Somaliland. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa meel hal lagu galay mana hadal yara mana hilbo yara, markaa meel doorasho iyo dimuquraadiyaddi ka jirto in lagu wada hadlaa waa khasab”

Wahadalladii socday muddooyinkan dambe waxay ahaayeen kuwo Madaxtooyada Somaliland ka dhacay oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland marti-geliyey, waxaanan si joogto ah u sii deyn doonaa tafaasiishooda hadda wixii ka dambeeya. Guddida Doorashooyinku markii ay soo saareen jadwalka Doorashada inay muddo sagaal bilood ah ku qaban karaan Doorasho, iyadoo wakhtigeedii wax yar ka hadhsan yahay, waxa hawshaas maareynteeda inoo qaabilsan oo uu dastuurku awood u siiyey Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland. qodobka 82-aad ayaa golaha Guurtida u siiyey awood inay muddada u kordhiyaan Madaxweynaha iyo goleyaasha kale ee Qaranka. waxaan xasuusinayaa Cabdiraxmaan Cirro oo 12 sannadood golaha Wakiillada fadhiyey shan sannadoodna muddo-xileedkiisu ahaa todoba sannadood ayuu muddo-kordhin ku fadhiyey. Xilligaa muddo kordhinta loo sameynayey Guurtidu mid xalaal ah ayey ahayd, qodobada ay cuskanayeena kuwo sax ahbay ahaayeen, hadda goortay Cabdiraxmaan la noqotay guurtidu xaaraan.”

Wasiir kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay waxa mucaaridka looga baahan yahay oo ah toosinta xukuumadda.

“Xisbiyada Mucaaridka waxa loo baahan yahay inay dhaliillaan, xukuumadda joogta siyaasaddeeda, go’aamaddeeda, dhaqaalaheeda iyo goldalloolooyinkeeda kale, balse caawa (Xalay) waxa cadaadatay in labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID aanay mucaarid ku ahayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbigiisa ee waxay  mucaarid ku yihiin Qaranka Somaliland oo ay yidhaahdeen dawladnimo kama jirto, taasoo ay ku dafireen haykalkii dawladdeed ee dalka”

Waxaa kale oo uu ka hadlay isla xalay abaabul iyo kicin dadweyne oo ay ku fooganaayeen mucaaridku ,waxaanu yidhi.“Waxa kale oo imika jira caawadanba (Xalay), saacadihii ay hadleen wixii ka dambeeyey in la abaabulayo Kacdoon dadweyne oo laga abaabulayo taageerayaasha labada Xisbi, kuwaasoo ay Bilaysku meelaha qaarkood ku horjoogsadeen. Sidaas awgeed Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa colaad in innagu filan waynu soo marnay, qasaska gobolada hareereheena ka socdana waynu arkaynaa, markaa nabad-gelyada dadkeena dhibani idinka ayey idinku jirtaa. Meel ay dawladnimo jirto ayey dawladnimo ka jirtaa, nololi ka jirtaa, ganacsi ka jiraa, siyaasaddana waa lagu tartamayaa oo maalinba ninbaa helaya”

Xisbiga Kulmiye waxaan leenahay Dadka, Dhiig noo shuba idinma lihin, dhiig daadiyana ma lihin, annaga noo dhintana ma lihin, codka na siiya ayaanu idin leenahay, Ninka idin leh Dhiig noo daadiya, iminka ii mudaharaada oo caawa (Xalay) Carruurta xaafadaha lagu mudaharaadsiinayo, waxaan idin leenahay xaq kuuguma laha ee wuxuu xaq kuugu leeyahay in aad ku doorato barmaamuj aad ka akhrisato.

Waxa kale oo aan farayaa dhamaan ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland inay ilaaliyaan  oo ay sugaan nabad-gelyada Qaranka Somaliland, inay ilaaliyaan shicibka reer Somaliland, inay ilaaliyaan oo ay daba-gal iyo fulinba ku sameeyaan xeerarka dalka”

Dhinaca kale taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo ku wehelinayay kulan war baahineedka xalay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa dhankiisa ka hadlay in booliska Somaliland u xilsaaran yahay sugidda ammaanka bulshada Somaliland isla markaana aanay boolisku bulshada dhib ku haynin laakiin ay booliska iska horyimaadaan oo keliya cidda sharciga ku gefta ee dambi gasha,shacabka iyo booliskuna ay gacmaha is haystaan oo ay meel uga soo wada jeedaan illaalinta nabad gelyada Qaranka.

“Boolisku wuxuu ilaaliyaa amniga, wuxuu socodsiiyaa fulinta shuruucda Dalka, wuxuu Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaabilsan amniga kala shaqeeyaa nabad-gelyada.

Qofkii amni-darro sameeya ee khalkhal abuura ee sharci-darro faraha la gala,  ayuunbay Booliska iska hor-imanayaan ee Dadka kale ee caadiga ah Boolisku waxay suggaan amnigooda,booliska iyo shacbiguna way iska kaashadaan nabad gelyada qarankooda.”