Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in jiraan dad Looga Shakisan Yahay Coronavirus

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha gudida la dagaalanka xanuunka Coronavirus ahna madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan C/laahi Saylici ayaa sheegay in sadex qof ilaa imika laga shakisan yahay kuwaas oo midi China u dhashay waxana laga qaaday baadhitaan ilaa imikana natiijada ayaa laga dhursugayaa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraa 3 qof oo kale oo looga shakisan yahay inuu hayo xanuunku balse lagu hayo deegaanka Salal si loo hubiyo xaaladooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay dhigtay dhamaan xadka Somaliland tiimam caafimaad oo baadhitaano ku sameeyey dadka xadka ka soo gudbaya.