Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Ay La Wareegayso Libaaxyada Uu Gacanta Ku Hayo Siyaasi Cali Maxamed Warancade

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay la wareegayso Libaaxyadii uu gacanta ku hayey siyaasi Cali Maxamed Warancade.

Wasiirka Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga  Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay wasaarad ahaan la wareegi doonaan Libaaxyaddan uu gacanta ku hayo Siyaasi Cali Maxamed Warancade.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa ay sheegtay in ay libaaxyadan geyn doonaan Xarunta xanaanaynta iyo daryeelka Duurjoogta ee Debis.

Wasiir wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxa ay tilmaantay in xeerka Kaymaha iyo Duur joogtu uu si weyn u faraayo in ay ilaaliyaan oo ay la wareegaan Libaaxyadaas, iyada oo balan qaaday in ay ilaalin doonaan Libaaxyadaas marka ay la wareegaan.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare waxa ay shacabka reer Somaliland usoo jeedisay in Duurjoogta loo daayo dhulka ay ku dhaqan tahay ,madaama oo ay dhulka ay ku nooshahay ku haboon tahay, isla markaana aanay dadku hayn karin.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay Shilkii uu habeenkii xalay ahaa geystay mid kamid ah Libaaxyadda uu gacanta ku hayo Cali Maxamed Warancade,waxaanay u mahad celisay Hayโ€™addaha Wasaaradda la shaqeeya iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo ilaa xalay ku hawlanaa sidii ay Libaaxaas baxsaday gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, kuwaas oo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan.Attachments area