“Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo Waxa Bar Tilmaameed U Ahaa In Dadka Caasimada Ku Dhaqani Ay Helaan Biyo Ku Filan…” Wasiir Maxamud Xaashi

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay ayaa maanta dhagax dhigay barkad weyn oo kayd biyood oo ka mida mashruuca biyo balaahdinta Caasimada Hargeysa.

Mudane Maxamuud Xaashi oo ay wehelinayeen, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Maareeryaha Wakaalada biyaha, iyo gudida sare ee wakaaladaasi ayaa maanta sidoo kalena ka hadlay muhiimad ay Xukuumada madaxweyne SIilaanyo siisay mashruucda biyo balaadhinta caasimada oo si mug leh u socda.

Wasiirka ayaa yidhi “ Saaka waxaannu halkan u nimid in aannu dhagax dhigno barkadan kaydka biyaha loogu tallo galay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada sheedaha oo ah barkadii sagaalaad ee magaalada laga qodayey ee ka mid ahayd mashruuca biyo ballaadhinta caasimada. Shirkada Cocacola Afrika Foundation  waxay qodaysaa afar barkadood oo ka mida sagaalkaas, oo tanu ay ku afar tahay, sadexda kalena shaqadoodii way socotaa imika, barkad waxa laga qodayaa xaafada masalaha, barkadna xaafada Ina Naxar, barkadna Siinge-siingaha ayaa laga qodayaa, waxa jira shan barkadood oo kale oo ay dawladda Jarmalku maal-galisay oo afartan la mid ah sagaalkaas barkadood waxay kaydin doonaa biyo dhan 16 000 meter cubic, magaaladu waxay hore u lahayd laba barkadood oo qudha, xiligii dawladii Ingiriiska hal barkad ayey lahayd, oo 1000 meter cubic qaada, xiligii dambe ee Kacaankana waxay Jayniisku dhiseen hal barkad oo kale ooo 3000 meter cubic qaada, afartaas kun ayaa kayd inoo ahaan karayey.”

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka hadlay tirade dadka caasimada ku dhaqan iyo baaxda biyaha ay u baahan yihiinw axaanu yidhi “ Biyuhu sida la oghahay waa hal-bawlaha iyo saldhiga nolosha, halkana waa caasimadii qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa ku nool bulsho aad u faro badan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof gaadhaya, dadka Somaliland oo ilaa Afar milyan lagu qiyaaso, bulsho urursan oo Malyuun iyo laba boqol oo kun ahi inta ay ka tahay waad qiyaasi kartaa, waayo bulshada Somaliland ee kale waa bulsho firidhsan, marka in halkan ay biyo la’aan xoog lihi ka jirto, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay u ahayd bar-tilmaameed in dadka caasimada ku dhaqani ay helaan biyo ku filan,  1,200, 000 oo qof oo caba biyo loogu tallo galay 120, 000 oo qof, waad garan kartaa culayskeeda.”

“Sidaas darteed ayaannu u aragnay inay muhiimad weyn tahay biyaha caasimaduna ay hal-bawle yihiin, mashaariicda ugu mudana yihiin, qorshe ayaannu samaynay Xukuumad ahaan qorshihii aannu samaynayna dunida ayaannu u bandhignay, waanu u yabooh tagnay, biyaha caasimada lagu samaynayaa lacag yar maaha koobyo lixdan milyan $ 61 Milyan oo doolar ayaa maanta galaya, oo dhaqaale aynu u bahaan nahay in laynagu taageero, waxaynu u mahad naqaynayaa hal abuurkii aanu la nimid dunidii naga taageertay, gaar ahaan dawladaha Midwoga yurub oo bixiyey lacago ilaa 30 milyan ah, dawladda Jarmalka oo bixisay ilaa $23 milyan, Shirkada Cocacola Afrika oo bixisay ilaa $5 Milyan oo doolar, iyo $2 Milyan oo doolar oo sanduuqa SSDF laga kabayo gaabkii soo baxay, iyo hal malyuun oo ay Xukuumaddu bixinayso, waa $61 Milyan oo doolar, waa lacag aad u badan, waxa laga yaaba in dad badani la yaabo, biyuhu qalabakiisu waa qaali, waxana loo samaynaa nimdaam casri ah, dhul badan ayaa laysku xidhayaa, dadkaas badana waa la waraabiyaaa, biyuhu laba waji ayey lahaayeen, wajigii koowaad oo beeb casri ah la dhigayey hada gabagabo ayuu ku dhaw yahay, wajiga labaadna waa mashruuca labaad oo aanu ku rajo waynahay inuu inaa 2018 dhamaado, ILAAHAY ayeynu ugu mahad celinayaa, dhammaan dadkii inagu taageerayna waynu u mahad celinaynaa, waxaan is leeyahay muhiimadii mashaariicdaa loo sameeyey waa la xaqiijiyey, dhammaan mashaariic daasina waxay u hano qaadeen sidii laagu tallo galay.” Ayuu yidhi Wasiirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.