Xukuumadda JSL oo Go’aamo ka soo Saartay Shaqaaqada Ceel-Afweyn

Cceel-Afweyn – (WARSOOR) – Wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo hawlo nabadayn ah u joogay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo ay dhawaan laba beelood shaqaaqo ku dhex martay ayaa go’aamo Xabad joojin ah kala dhex dhigay labadaa beelood.

Waxaana weftigan hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Giirre, iyadoo na ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta, iyo Awqaafta Somaliland, badhasaabka gobolka Sanaag, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, iyo iyo maamulka degmadda Ceel-Afweyn.

Xubnahan masuuliyiinta ah ayaa awaamiir ay soo saareen dul dhigay labadda dhinac ee ay shaqaaqadu u dhaxayso, kuwaasoo todobaadyadan danbe ay dad ku kala dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaal beeleedkaasi.

Go’aamadani ayaa gobol xaadh u noqonaya in la guddo gallo sidii heshiis nabadeed loo dhex dhigi lahaa beelahani, iyadoo na la filayo in ay maalmaha soo socda degmadda Ceel-Afweyn gaadhaan ergooyin kala duwan oo isugu jira madax dhaqameed, iyo ergo ka socota golaha Guurtidda Somaliland si ay uga qayb qaataan xalinta colaadda beelahaasi u dhaxaysa.

Wasiirka wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta Somaliland Al-baani, oo halkaa ka akhriyay go’aamadda ay soo saareen ayaa sheegay in amaanka goobaha lagu dagaalamay ay la wareegeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu wasiir Al-baani, tilmaamay in la faray waxgaradka iyo waayeelka labadda dhinac in ay ciidamadda qaranka ku gacan siiyaan sugida amaanka, isla markaana ay mamnuuc tahay in la abaabulo, ama la ururiyo ciidan beeloodyo.

Waxaanu xusay in cidii arrimahaa ku kacda ay ciidanku amar buuxa ku haystaan inay waajibkoodda ka gutaan. Waxaanu yidhi “Xabad joojintaasi aanu maanta (shalay), halkan ku xidhnay, waxgaradka labadda beelood ee dirrirtu dhex martay waxaanu faraynaa in ay ku dhawaaqaan in ay qaateem go’aamadani. Waxa kaloo aanu ku wargelinaynaa labadda dhinac, in amaanka goobaha lagu dagaalamay ay la wareegeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanan faraynaa labadda dhinac in ay ciidamadda qaranka ku gacan siiyaan sugida amaanka. Waaa mamnuuc ah, oo reeban in la abaabulo, ama la ururiyo ciidan beeloodyo. Cidii arrimahaa ku kacda na ciidanku wuxuu amar buuxa ku haystaa inuu waajibkoodda ka guto.

Cidii Qori la soo baxda, ee doonaya in ay nabad-geliyadda khal-khal geliyaan, waxay ciidamadda qaranku amar ku haystaan in ay ka qaadaan, isla markaana ay qofka tallaabadda ku haboon ka qaadaan.

Dhalinyarada na waxaan leeyahay ka waantooba, Maskaxda mar walba ku jirta ee ah in ay ku kacaan waxyaabo nabadda wiiqaya. Waxaanu soo dhawaynaynaa dhamaanba ergooyinka kala duwan ee ku soo qul-qulayaan deegaankani, oo u imanaya in ay nabadda ka qayb qaataan”.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Siciid Giirre, ayaa isna sheegay in ay soo dhawaynayaan go’aamadan ay xukuumadu soo saartay ee nabadda lagaga dhex dhalinayo labadan beelood.

Waxaanu ugu baaqay waxgaradka, iyo odayaasha labadda beelood in ay si buuxda u qaataan go’aamadan Xabad joojinta ah ee ay weftigani xukuumadda ka socdaa soo saareen. Waxaanu yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa, oo aanu taageersan nahay go’aamadan ay xukuumadu soo saartay, ee nabadda lagu dhex dhigayo labadan beelood. Waxaan u soo jeedinayaa labadda dhinac, in ay qaataan Xabad joojinta, oo ay bad-baadiyaan dadkooda isku dhimanaya. Dhibaato inta dhacday baa ugu filan, in caqligu shaqeeyo, oo Aarsiga la joojiyo.

Waxa kaloo aan soo dhawaynayaa cid kastoo ka mid ah ergooyinka arrinta nabadaynta beelahan u soo socda, oo ay ka mid yihiin guddiyadda beelaha, iyo golaha Guurtidda Somaliland”.

“Iyadoo aan og nahay xaaladda uu maanta wadankeedu ku jiro, in Ceel-Afweyn, lagu dagaalamo, waa Gun-nimo, iyo garasho xumo, waana wax aanu aad uga xun nahay. Waxaan u mahad naqayaa cid kastoo gacan naga siisay hawshani, oo ay ugu horeeyaan ciidamadda qalabka sida, madaxweynaha qaranka oo Habeen, iyo maalin ba nagala soo xidhiidhayay halka ay marayso hawshu.