Xukuumada Somaliland Oo La Wareegtay Shaqaalihii Ammaanka Ee Madaarka Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo La Dardaarmay

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumada Somaliland Oo La Wareegtay Shaqaalihii Ammaanka Ee Madaarka Hargeysa Iyo Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo La Dardaarmay, waxaana si rasmi ah shaqaddii ay hore u hayeen ee Amaanka Madaarka Hargeysa Dawladdu uga la wareegtay Shirkaddihii gaarka loolahaa ee hore gacanta ugu hayn jiray.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda Hay’adda shaqaalaha dawladda, iyo masuuliyiinta Madaarka Hargeysa kulankaasi oo ay sido kale goob joog ka ahaayeen shaqaalaha ka hawlgala Qaybta Amaanka iyo Baarkinka ee Madaarka Hargeysa, waxaana halkaasi si rasmi ah dawladdu ugu la wareegtay maamulkii iyo gacan ku hayntii qaybta amaanka iyo Baarkinka ee Madaarka Hargeysa.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaaya qaabkii ay dawladdu u la wareegtay waaxdii amniga iyo Baarkinka ee Madaarka Hargeysa oo hore shirkado gaar loo leeyahay gacanta ugu haynjireen waxa uu yidhi.

– Kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, masuuliyinta madaarka Hargeysa iyo shaqaalaha ka hawlgala qaybta ammaanka iyo barking-ka ee Madaarka Hargeysa ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Madaarka Caasimada ee Hargeysa – Kulankan oo muhiimadiisu ahayd in si dhamaystiran xukuumada Somaliland ula wareegto shaqaalihii horay ugu hawlgalyey shirkadihii gaarka loo lahaa ee gacanta ku hayey ammaanka iyo barkinka madaarka ayaa u qabsoomay si bushaaro iyo dardaaran badan – Intii kulanku Socday waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Hay’adda Duulimaadada iyo madaarada Somaliland Nageeye Maxamed Xassan isaga oo xusay sida ay maanta farxad ugu tahay shaqaalaha in ay soo galaan gacanta dawladda iyaga oo markii hore ka tirsanaa shirkado gaar loo leeyahay isaga oo dhankiisa soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda – Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo madasha ka hadlay ayaa ugu horayn shaqaalaha ugu bushaareeyey in ay dhamaantood noqdeen shaqaale dawladeed isaga oo xusay in Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu fulinayso wareegtadii Madaxweynaha JSL ee xusaysay in Shaqaalahii gacanta ku hayey Ammaanka madaarku sidoodii shaqada u wataan isla markaana ku soo wareegaan gacanta dawladda – Dhanka Kale, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaaha Dawladda Md Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ayaa shaqaalaha Ammaanka ee madarka ku ammaanay shaqada quruxda badan ee ay qaranka u hayaan isaga oo dhankiisa xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah iyo jajabnaan – Ugu dambayn Gudoomiye Geelle ayaa shaqaalaha ugu bushaareeyey in ay maanta wixii ka dambeeya ka xurmo, xirfad ,xoolo iyo xasaanad-ba badan doonaan intii ay horay u heli jireen maadama ay gacanta u soo galeen dawladoodi isaga oo aad ugu adkeeyey in ay hufnaan iyo shaqo wanaag arintaasi u horseedo. – Gebo-gabadii kulanka Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaake Geelle ayaa shaqaalaha ka saxeexay heshiis cusub “Contract” oo ay dawladda ugu soo wareegayaan isaga oo xusay in looga baahan yahay in adeegii ammaanku halkii iyo meel ka saraysa ay gaadhsiiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.