“Xukuumad ma jirto haduu yidhaahdo Xildhibaan Siciid Cartan, xaalad-abuur ayey noqonaysaa, sharciguna wuu qabanayaa..” Wasiirka Ganacsiga Shucayb Maxamed.

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Ganacsiga Mr. Shucayb ayaa shaaca ka qaaday inay xaalad abuur tahay, isla markaana sharcigu qabanayo, hadii xildhibaan Siciid cartan yidhaahdo xukuumad ma jirto.

Masuuliyiin ka soo jeeda magaalada Berbera ayaa raaligelin ka bixiyey eedo xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan gollaha Wakiilada u soo jeediyey Madaxweynaha JSL iyo safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Jamhuuriyada Somaliland.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Axmed Abokor oo ka hadlayey eedaha xildhibaanka ayaa sheegay inay yihiin kuwo baalmarsan qawaaniinta dalka, waxaanu  hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaan halkan kaga jawaabayaa hadalo deelqaaf ah oo xildhibaan Siciid Cartan u geystay Madaxweynaha JSL iyo masuuliyiin xukuumada ka tirsan. Waxaan leeyahay xidhibaanka waxaad ka tirsan tahay gollaha sharci-dejinta-Waa kugu ceeb adigoo sharci-dejinta ah aad tidhaahdo ‘Digreetada madaxweynaha JSL soo saaro diida dadka’ waa nasiibdaro in xildhibaan Siciid Cartan heshiiskii saldhiga milateriga uu shalay ansixiyey, maanta diido.

Agaasimaha Guud Axmed Abokor ayaa sheegay inuu xaal ka siinayo Madaxweynaha JSL iyo qoyskiisa, aflagaadada qaawan ee xildhibaan Siciid u geystay, waxaanu yidhi, “waxaan ka xaalmarinaya Madaxweynaha JSL iyo qoyskiisa, aflagaadada qaawan ee xildhibaan Siciid u geystay. Madaxweynaha lagama saxeexo digreetooyin ee, isagaa soo saara, guud ahaan dalka JSL isagaa ka masuul ah, waa ceeb in maalinba Madaxweynaha JSL nin xildhibaan sheeganaya uu wax ka sheego.

Xildhibaan Dayib Xasan oo ka tirsan xildhibaanada gollaha Guurtida JSL oo ka jawaabayey eeedaha qaawan ee xildhibaan Siciid Cartan ku hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey doorkuu Siciid cartan ku lahaa ansixinta heshiiskii saldhiga milateri, waxaanu yidhi, “Saldhiga aad ka hadlayso xildhibaan Siciid cartan- waa kii aynu labadeenu wadnay, oo reer Saaxil ah, weliba adigu (Siciid) aad madaxtooyada iiga dhoweyd.

Xildhibaan Dayib ayaa ku hoga tusaaleeyey xildhibaan Siciid Cartan haduu inbadan caanahii hasha gaar u cabayey, ay ceeb tahay xilligan oo gebagebo la joogo uu dhaleecayn u soo jeediyo masuuliyiinta.

Wasiirka Ganacsiga Iyo Malgashiga Mr. Shucayb Maxamed oo gebagebadii ka hadlay ayaa yidhi, “Xildhibaan Siciid Cartan sharaf iyo karaamo uma aha inuu yidhaahdo xukuumad ma jirto iyo digreeto, xaalad-abuur ayey noqonaysaa, sharciguna wuu qabanayaa.

Wasiir Shucayb ayaa sheegay inay sharaf-dhac ku tahay xildhibaan qaran inuu yidhaaahdo dalka dawlad kama jirto, masuuliyiinta ka tirsana waa biidhi-qaatayaal, waxaanu yidhi, “Waa sharaf-dhac in xildhibaan Siciid Cartan yidhaahdo dalka dawlad kama jirto, masuuliyiinta ka tirsana wa abiidhi-qaatayaal. Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Mr. Baashe Cawil Cumar waxaan u arkaa masuul xilkuu ummada u hayey ka soo baxay wax badana u soo kordhiyey dadka iyo dalka JSL.”

Dhinaca kale, “Xildhibaan Siciid Cartan 40 baloodh oo sifo sharcidaro uu u boobay xilligii Cabdalle Sandheere ahaa maayarka Berbera, ayuu u hadlayaa difaacashadeeda, balse wuu ku raad-gadanayaa danyarta uu leeyahay dhul baa khasab lagaga rarayaa.” Sidaa waxa lagu sheegay xoggo la xidhiidha sababahii dhaliyey inuu hadalo deelqaaf iyo marin-habaabin ah xildhibaaku kula dul-kufo madaxda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.