Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la shaaciyay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa si rasmi ah shaaqa uga qaaday xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE kuwaasi oo lagu ansixiyey shirweynihii 4-aad ee qabsoomay 4 ilaa 6 October 2020.

Liiskan oo ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonkii shirweynaha 4-aad ee xisbigu, waxa tiradiisu tahay 239 ka mid ah ergooyinkii ka yimi gobollada iyo 54 xildhibaan, iyadoo lagu dari doono Maayarrada degmooyinka dalka ee KULMIYE, Guddoomiyayaasha xisbiga ee Gobollada iyo labada xubnood ee ergada gobollada ka maqan oo lambarradoodu kala yihiin 49 iyo 50 ee liiska golaha dhexe ee la faafiyey.

Liiskan magacyada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayuu ku saxeexan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen.