Xoghayaha Difaaca Mareykanka: Waxan kullan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Xoghayaha Difaaca dawladda Mareykanka, Jim Mattis oo ka qayb galay shirkii London ee agaasinkiisu ay lahayd UK ayaa kullan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dawladda Federal-ka Soomaaliya, Maxamed C/lahi Farmajo.

“Dawladda Mareykanka door bay ka ciyaaraysaa Soomaaliya kaasi oo ah sidii loo cirib tiri lahaa Al-Shabaab oo ah koox argagixiso oo arxan daran”, Xoghayaha Difaaca ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in QM, midowga Africa, Midowga Yurub iyo Carabta ay doorkooda qaadanayaa in hore loo sii wado dadaalka lagu taageerayo dawladda Soomaaliya.

Mattis waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay leedahay Dhaqaalo iyo barnaamij dawladeed oo ay tahay iney ka shaqayso sidii dib ay cagaheeda uga istaagi lahayd, waana u muhiim taageerada beesha Caalamka inta ay Soomaali ka gaarayso yoolkaasi.

“Waxan ka shaqaynaynaa sida mustaqbalka uu noqonaya iyo sida dawladda Soomaaliya ay u yeelan lahayd hab sax oo ay ku dhisto qaab-dhismeedkaasi, waxaana ku jira dagaalka ciidanka amaanka ay kula jira Al-Shabaab, iyo hanaan dib u heshiisiin ama wadahadal oo loogaga soo saarayo Al-Shabaab kuwa geed fadhiga u ah ama taageera”, Mattis ayaa warkiisa ku daray.

Xog-hayaha Mareykanka Jim Mattis waxa uu amaanay Hawl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya, isagoo xusay in ay qabteen shaqo wanaagsan oo adag.

“Sanado badan ayaa AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya dagaal adag kula jiraan cadow dhib badan kuwaas oo u daacad ah Al-Qacida, waa cadow waa in lala dagaala oo laga difaacaa dadka” sidaa ayuu raaciyey xoghayaha.

Uga dambeyn Xog-hayaha Mareykanka ayaa intaasi ku daray in uu aad uga farax-san yahay la kullanka madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayna aad u dhiiri-gelisay arrimihii lagu falan-qeeyay shirka aayaha Soomaliya ee London ku soo gaba-gaboobay 11-kii bishan May.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.