Xisbiyadda Qaranka Somaliland oo Soo Dhaweeyey Wefti Ka Socday Baarlamaanka Kenya

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland iyo xubno wasiiro ah ayaa soo dhaweeyey wefti ka socday baarlamaanka Kenya.

Weftigan ka socday baarlamaanka Kenya oo uu hogaaminaayey Junet Maxamed ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda xisbiga qaranka Somaliland iyo sidoo kale wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin.

Weftigan waxaa dalka keenay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar.