Xisbiga WADDANI oo Xaflad Ku Qaabilay Siyaasiyiin Ruug-cadaaya iyo Haldoorka Reer Hargeysa oo Ku Soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasadda dalka iyo weli ba haldoor aad u tira badan oo ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo ahayd mid aan hore loo arag, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, siyaasiyiinta iyo haldoorka ku soo biiray Xisbiga WADDANI, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo taageerayaal aad u tira badan.

Siyaasiyiinta iyo haldoorka ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo ay ka mid ahaayeen siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil yare),  siyaasi Abiib Diiriye Nuur(Tima-cad), Ambassador Cali Aadan Cawaale, Cabdixakiim Xaaji Siciid, Ibraahim Siyaad Yoonis, Cismaan Xaaji Nuur, Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil Kildhi, Xamse Xasan Cabdiraxmaan, Cali Dool Axmed(Qoryoolay), Ibraahim Xasan Cabdillaahi, Axmed Cali Faarax iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo haldoor kale oo aad u tira badan., waxaana badidooda oo ka hadlay xafladdii loo sameeyey ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin ku soo biiritaankooda Xisbiga WADDANI.

Ambassador Axmed Cali Aadam oo hore u ahaa safiirkii Somaliland ee dalka Ingiriiska oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Shacabkeygoow, maanta waa maalin taariikhi ah oo aynu jabinay deyrkii Baarliin, waxa aan lee yahay reer Somaliland waa mid waa isku mid, waa qaran mid ah waana qabiil keli ah oo la yidhaahdo Somaliland.Maanta siyaasiyiintayada halkan mareysaa waxa aanu aas aaseyaal ka ahayn Xisbiga KULMIYE sidaas awgeed waxa aanu aragnay in maanta ay guushii taalo WADDANI oo ay muhiim noqotay in aanu Xisbigan taageero ahaan ku sii xoojino barnaamijkooda fiican ee ay umadda u wadaan oo ah runtii mid aad u qiimo badan oo ka shaqeynaaya isku xidhnaanshiyaha umadda iyo horumarkeeda ba.”.

Siyaasi Abiib Diiriye Nuur(Abiib Tima-cad) oo hadalo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa waxa uu yidhi: “Qabyaaladdu ha dhacdo, Qabyaaladdu ha dhacdo oo dhulka ha gasho. Maanta oo bishu tahay July 20keedii, waxa aan halkan ka cadeynayaa in aan ka baxay oo aan ka haajiray Xisbigii la odhan jiray KULMIYE, waxaana aan ku biiray Xisbiga guusha ee WADDANI. Anigu sababaha aan uga soo baxay KULMIYE waxa weeye anigu golahiisa dhaxe ayaan ku jiray oo guddidiisa fulinta ayaan ka mid ahaa oo madaxdiisa ayaan ku jiray, waxa aan uga baxayna waxa weeye qabyaalad buu ka dhammaan waayey iyo tollaayeey, meel haddii qabyaaladi soo gashana kheyr ma joogo, meel walba na waxa olole laga ga galaa haddeynu reer Hebel nahay. markaa waxa aan u sheegayaa waar reer Hebel waanu nahay laakiin waxa aanu ku shaqeynaynaa waxa umadda u dan ah oo qaranimada Somaliland baanu dooranay, waxa aanu dooranay waxa umadda u dan ah, weli ba anigu waxa aan ka mid ahaa toddobaddii nin ee SNM ugu horreeyey ee tallaaba aniga oo sarkaal ah oo ninkii toddobaad baan ahaa ee halkaa ka tallaaba ee sarkaal ah,

dalkana waxa loo soo maray baan ogahay, waxa dhacay baana aan ogahay, nin walba halka aan kaga imi baan ogahay, markaa maanta Cabdiraxmaan Cirro qaranimo ayaan ugu hiilinayaa.”.

Siyaasi Ismaaciil Yare oo isna hadlay, waxa uu faah faahin ka bixiyey sababaha uu ugu soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:- “Maanta halkan dad badan baa yidhi KULMIYE ayaanu ka soo baxnay, waar anigu kama aanan iman ee in aan galo ba horaa la iigu diidey oo aniga oo hoggaaminaaya ururadii todobada ahaa ee hadhay oo Dalsan ahaa baan is idhi ku biir KULMIYE, deedna ninkaa haysta ayaaba la iga furfuri waayey oo yidhi ma soo galaysid KULMIYE, intaa ka dambeysayna Allaheyga ayaan u cibaadeysanaayey oo maanta markii aan arkay in siidhigii WADDANI taagan yaha baan ku soo biiray Xisbiga oo nuurkaa baxaaya ii iftiimay, Cabdiraxmaan Cirro na saaxiib baanu nahay.”.

Siyaasiga weyn/ Abassador Maxamed Biixi Yoonis oo sida oo kale na ah odeyga Xisbiga, ayaa isna erayo qiimo badan ku soo dhaweeyey siyaasiyiintaas ku soo biirtay Xisbiga WADDANI.

“Waxa aan si weyn halkan uga soo dhaweynayaa haldoorka ballaadhan ee maanta xafladdan u qabaneyno oo weli ba ahayd madaxdii qaranka iyo haldoorkii umaddan oo reer Hargeysa wada ahayd oo maanta goostay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, aad baanu idiin soo dhaweynaynaa, aad baanu idiin salaameynaa, gacma furan iyo qalbi furan baana aanu idin ku soo dhaweynaynaa. Anigu na waxa aan ka mid ahaa qoladii idin ka horreysay ee Isbahaysigii ee diidey in ay qabyaalad wax ku doorato,

qabyaaladdu qarankan meel gaadhsiin mayso, Xisbiga WADDANI waa xisbi loo dhan yahay oo dalka oo dhammi ay ku mideysan yihiin.”. Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yooni

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna hadlay, ayaa si farxadle u soo dhaweeyey jamaahiirta ku soo biirtay, waxaana uu yidhi:- “Waxa aan si kal iyo laab ah oo aad iyo aad u farxad badan u soo dhaweynayaa saaxiibaddeyda qiimaha badan ee aanan magacyaddooda koobi karin ee halkan maanta aynu xafladda ugu sameynayno, waxaana aan lee yahay hilaacii baxaayey iyo waqalkii da’aayey ba maanta waa kuwan, waxaana aan lee yahay mar haddii raggani meesha marayaan cidi ma hadhin ee WADDANI waa in uu guusha uun isku diyaariyaa.”.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa isna waxa uu yidhi:- “Aniga maanta waxa ay ii tahay nasiib gaara runtii, ragga maanta halkan ku sawirani na waa raggaanu isku deegaanka ahayn, waa raggaanu ehelka ahayn, waa raggaanu tolka ahayn oo waa raggaanu wax badan wadaageynay, maanta na anaga oo ah xubnaha xisbiga ee gobalka Maroodi-jeex waxa aanu ku faraxsanahay in maanta uu ay haldoorkaasi ku soo biiraan Xisbiga. Waxaana ay ahayd kaalin naga baanaaneyd oo ay noo soo buuxiyeen.”.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi:- “Haddii dagaal la gelaayo aag aag baa loo galaa, markaa maanta ragga inagu soo biiray waxa ay xoojinayaan dhinaca Galbeedka, xoog baaku soo biiray oo ana waan faraxsanahay oo guushii galbeedka ayaana soo socota, Maalintii isbahaysigu soo biireen waxa la lahaa oo yaa hadhay, lama oggeyn nimanka maanta uu halkan yaalo sawirkoodu, maanta na waxa la is weydiinayaa oo tolow ma in baa hadhay, waxaanan idiin sheegayaa way dhow dahay inta hadhay waana ay imanaysaa, waxaana ay khatimeysaa inta yar ee banaan, raggan halkan fadhiya iyo umaddaa maanta joogtaa waxa ay garowsatay in ay ka guurto qabyaalad oo ay tir-tirto musuqmaasuqa iyo cadaalad darada, Somaliland na maanta diyaar uma aha shan sanno oo dambe oo wadanka la xaraasho.”.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa magaca Xisbiga si weyn ugu soo dhaweeyey siyaasiyiintaasi isaga oo sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay madal la wada lee yahay oon la kala lahayn.

“Aniga oo ku hadlaaya magaca Xisbiga, waxa aan si qalbi furan, laab furan iyo gacmo furan ba aan Xisbiga ugu soo dhaweynayaa siyaasiyiinta magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland ee maanta garbahayga taagan, waxa aan lee yahay ku soo dhawaada Xisbiga WADDANI oo ah xisbi aan la kala lahayn.”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.