Xisbiga WADDANI oo soo jeediyey inay Xukuumaddu dhisto Ciidanka Cirka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Cabdilaahi Axmed Maxamed oo kamida hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa soo jeediyey inay Xukuumaddu aasaasto Ciidanka Difaaca Cirka, si lamida Ciidamada Dhulka iyo Badda.

Cabdilahi Dahab oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii ay Somaliland yeellan lahayd Ciidan difaaca Hawada dalka, maadaama ay jiraan dalal cadow ku ah dalka oo waliba sheeganaya in ay iyagu maamulaan hawadeena.

“Waxaan u arkaa in la gaadhay xilligiii aynu yeellan lahayn ee ay Xukuumaddu ku dhiiran lahayd dhismaha Ciidanka Cirka”ayuu yidhi isagoo hadalkan ku adkeeyey Madaxweynuhu in uu ku dhiirrado arrintaasi.

Geesta kale, masuulkan ka tirsan Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhaweeyey khudbadii Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid ku soo beegantay xilligii loo baahnaa, isagoo si gaar ah arrinta doorashada Madaxweynuhu hadalkii uu ka yidhi aad u ammaanay.