Xisbiga WADDANI oo Xilalkii u Kala Wareejiyey Guddoomiyahii Hore Gobalka Maroodi-jeex iyo Guddoomiyaha Cusub ee Hada Loo Soo Magacaabay

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad aad u bilan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu xilalkii ugu kala wareejinaayey guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Xuseen Aadan Cadde iyo weli ba guddoomiyahii hore ee hayey xilkaasi Md.Siciid Bustaale, ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka Xisbiga WADDANI ee Maroodi-jeex oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo aad loo soo agaasimey, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, xoghayaha guud ee Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiint heer gobal iyo heer degmo ee Xisbigaasi iyo weli ba taageerayaal aad u tira badan.

Guddoomiyahii hore ee xilkaasi laga bedelay Md.Siciid Bustaale oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta wareejiyo xilkii uu soo hayey mudada dheer, waxaana uu sheegay in uu si niyad samaan ah uu mar walba u la shaqeyn doono u na soo barbar istaagi doono guddoomiyaha cusub ee hada loo magacaabay Xilkaasi, isaga oo ka sheekeeyey waxayaabahii u soo qabsoomay mudadii uu xilkaasi hayey.

“Farxad-weyn bay ii tahay runtii in aan maanta xilkan wareejiyo, xilkani waxa uu ahaa mid aan u hayey Xisbiga WADDANI, maanta na waxa aan ku niyad samahay in walaalkey/Saaxiibkey Xuseen Aadan Cadde uu halkaas ka sii qaadi doono hawlaha shaqo ee Xisbiga. Waxa kale oo aan lee yahay mudadii aanu halkan joognay wax badan baa noo soo qabsoomay, waxaana aanu dhismey xafiisyada degmooyinka iyo xaafadaha hoos yimaada magaalada Hargeysa iyo gobalka Maroodi-jeex, anaga oo la hayn garabbo dhallinyareed iyo mid haween ba, waxaana aan halkan si gaara uga mahad-celinayaa inanta agaasimaha ka ah Xafiiska Xarunta dhaxe ee WADDANI Istaahil Maxamed Rooble oo runtii ah gabadh da’yar oo aad mudakar u ah oo si wanaagsan noola shaqeysay mudadii aanu xilkaas haynay sida oo kale na garab iyo toosin ba noo ahayd.”.Md.Siciid Bustaale

Guddoomiyaha cusub ee xilkaas loo magacaabay oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida oo kale na uu Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uga mahad-celinaayo in loo magacaabo xilkan isaga oo sheegay in uu balan-qaadayo in uu sii dar-dar gelinaayo hawlaha Xisbiga sida oo kale na uu isku xidhi doono dhammaan ba xafiisyada ku yaala degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Hargeysa iyo gobalka Maroodi-jeex oodhan.

“Anigu horta waan ku faraxsanahay xilkan la ii magacaabay, runtii na aad baan maanta uga mahad-celinayaa munaasibaddan xil wareejinta ee na loo sameeyey aniga iyo saaxiibkey Bustaale in aanu xilalka kula kala wareegno, waxa aan halkan uga mahad-celinayaa dhammaan ba madaxda Xisbiga iyo taageerayaasha oo dhammaantood ba si aada ii soo dhaweeyey ii la na shaqeeyey mudadii yareyd ee aan hayey xilkaasi, waxa aan runtii si gaara uga mahad sheeganayaa dhallinyarta ka shaqeysa xafiiska xarunta dhaxe ee si aada ii garab istaagay ii la na shaqeeyey haddii ay tahay inanta agaasimaha ka ah ee Istaahil, haddii ay tahay Dirir, haddii ay tahay Cabdirashiid Jeeni iyo weli ba Khadar Gureyte ba. Runtii na waxa uun aan halkan ka sii balan-qaadayaa in aan sii wadi dooni sida oo kale na sii dar-dar gelin doono hawlaha Xisbiga iyada oo aan isku wada xidhi doono dhammaan ba xafiisyada degmooyinka iyo weli ba xaafadaha ee Hargeysa iyo guud ahaan gobalka Maroodi-jeex.”.Ayuu yidhi Xuseen Aadan Cadde.

Qaar ka mid ah madaxda heer gobal ee hore u la soo shaqeysay guddoomiyahii hore ee gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na si aada u sii sagootiyey mas’uulkii hore ee hayey xilkaasi iyaga oo ku dheeraaday kaalintii uu kaga jiray hawlaha xisbiga WADDANI iyo isku wadka dadka la shaqeynaayey ba, waxaana ay si gaara ugu amaaneen in uu meel fiican soo gaadhsiiyey xafiiska heer gobal ee Xisbigu ku lee yahay magaalada Hargeysa. Waxa kale oo ay soo dhaweeyeen sida oo kale na erayo dar-daaran ah ay u gunteen guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex iyaga oo hoosta uga xariiqey in si wanaagsan u la shaqeyn doonaan.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, siyaasi Cabdi Heybe, Boqor Iimaan iyo weli ba xubno ka tirsan garabbada dhallinyarta iyo haweenka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na dhankooda erayo dar-daaran, duco iyo soo dhaweyn ba ah u guntay guddoomiyaha cusub ee xilkaas la wareegay halka ay sida oo kale na sii sagootiyeen guddoomiyahii hore ee xilkaas hayey.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in maanta ay tahay maalin qaali ku ah Xisbiga isaga oo si weyn u amaanay labada mas’uul ee halkaas xilalka looggu kala wareejiyey oo uu sheegay in ay yihiin dadka Xisbigu ku faano, waxa kale oo uu ku dheeraaday muhiimadda xafiiska gobalka Maroodi-jeex uu xisbiga WADDANI u lee yahay isaga oo sida oo kale na hadalo dar-daaran iyo duco ba ah u guntay guddoomiyaha cusub sida oo kale na sii sagootiyey guddoomiyahii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.