Xisbiga Wadani Oo Isu Soobax Olole Ah Ka Muujiyay Gobolada Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Xisbiga mucaaridka  ah ee WADDANI oo ay maanta ahayd maalintiisi koowaad ee uu u lahaa kaltanka ololaha doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ayaa isu soo baxyo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyay guud ahaan gobollada dalka.

Gobollada xisbiga mucaaradka  ee WADDANI taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka ka sameeyeen waxa ka mid ahaa gobolada Toghdeer, Awdal,Saaxil, Sanaag iyo Sool.

Taageerayaasha xisbiga WADDANI ayaa isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageradooda ay u hayaan musharaxiinta xisbigaasi uga sharaxan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ka dhigay gobollada dalka, iyagoo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku taagerayaan xisbigaasi.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaradka  ah ee WADDANI kula hadlay fagaareyaal ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka masuuliytiin iyo musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

Geesta Kale Xisbiga WADDANI ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne Gabiley iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga WADDANI la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Maalinta beri ah waxaa Ololaha doorashadda u leh maalintiisii labaad u xisbiga muacaaradka ah ee UCID.