Xisbiga Mucaaridka UCID Oo Goboladda Dalka Ka Bilaabay Wajigii 2aad Ee Ololaha Kaambeynka Doorashadda, Xafiisyo 100 Ka Badan Oo Xadhiga Laga Jaray

Borama  -(warsoor) – Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka  UCID, ayaa ayaa goboladda Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabay bilawga wajigii 2aad ee Kaambeynka ololaha doorashadda iyada oo Murashaxiinta u taagan Doorashadda Madaxtooyadda iyo Madaxda heer Gobol iyo Heer Degmo ee Xisbiga UCID ay taageerayaashooda daraf ilaa daraf ee min Buuhoodle ilaa Awdal fagaarayaal kala hadleen taasi oo qaybka ah  ololaha doorashadda ee lagu gudo jiro.

Xisbiga Mucaaridka ee  UCID oo shalay  guud ahaan Goboladda iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland guda galay Bilawga wajigii 2aad ee ololaha doorashadda Madaxtooyadda Somaliland oo maalintii 4aad si habsami ah goboladda iyo degmooyinka dalka uga socda, waxa ay Murashaxa Madaxweynaha Xisibiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) magaaladda Boorame kagala qaybgaleen Barxadda Beerta Xoriyadda Kumanaan ka mida Shacabka gobolka Awdal ku dhaqan, waxaana sido kale Masuuliyiinta kala ah Guddoomiyaha Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee UCID md Maxamed Aadan, Xoghayaha  Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, Xoghayaha Xidhiidhka Goboladda Iyo Degmooyinka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf iyo Madaxda Degmooyinka Xisbiga UCID ee Deegaanadda  Maroodi Jeex iyo Hawd ay kala qaybgaleen boqolaal iyo kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ka mida oo Xafiisyo cusub loo furay iyada oo dhinaca kale guud ahaan goboladda dalka ee Somaliland ay madaxda heer gobol iyo xubno hogaanka xisbiga UCID ka tirsani kala qaybgaleen isku soo baxa ololaha doorashadda.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan)  oo isagu ugu horeyn la hadlaayey Bulshadda reer Borame oo Fagaaraha Beerta Xoriyadda waxa uu yidhi “Bulshadda Somaliland 70% in ka badani waa dhalinyaro Xisbiga UCID-na waa xisbi aqooneed waana Xisbi ay dhalinyarta reer Somaliland wada leeyihiin, Odayaal iyo Jeegaan iyo Habarhabar iyo waxaasi ku shaqaysan mayno anagu, waxaanu nahay xisbi aqoon iyo mabda ku dhisan UCID waa xisbi murashaxiintiisu ay ka soo kala jeedaan darafka Bari iyo Darafka Galbeed anagu siyaasaddaasi ayaanu jeexnay taasi ayaanu bulshadda codka kaga dooneynaa”

Murashaxa Madaxweynaha Xisibiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna kumanaan shacabka Gobolka Awdal ku dhaqan ah Khayriyadda Boorame kula hadlaayey waxa uu yidhi “Walaalayaal baylahdeenu way badan tahay bulshadda reer Somalilandeey, hadaynu isku meeraysano oo Cirro iyo Muuse oo kale doorano geed kaasi gaadhi meyno, Caruurtu way iska bixi doonta way iska tahriibi doonta walaalayaal  waxa weeye maanta isku hiiliya gacanta ayaad maanta ku haysataan mustaqbalkiinii oo kala doorta in aynu Qabiil doorano iyo kala doorta in aynu qaran Somaliland oo umaddiisu wada leedahay aynu noqono oo aduunka xaqeena u doonano oo Ictiraafkeena Somaliland caalamka u doonano”

Guddoomiyaha Ololaha Kaambeynka heer qaran ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga ee Taageerayaasha UCID kala qaybgalay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee wajigii 2aad galay ee Gobolka Maroodi Jeex waxa uu yidhi “Xisbiga UCID wuxu ka saarayaa Saboolnimadda shacbiga Somaliland , waxa kale oo aan leeyahay Ciidanka qaranka ee amniga Somaliland inay saaka inta ay halkan noogu yimaadaan anaga oo ay ololaha Kaambeynka ee doorashaddu maalintayadii tahay oo aan suuqa mareynin oo aan dad jiidhaynin oo aan magaaladii kala xidhin oo anagu sidii sharcigu dhigaayey u qabsaneyno isku soo baxayaga doorashadda na ma qabato inay Ciidanku na carqaladeeyaan”

Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo isaguna ka mid ahaa Saraakiisha Xisbiga UCID ee shalay Kumanaanka shacabka reer Hargeysa ee Degmooyinka Hargeysa ku dhaqan isku soo baxa ololaha doorashadda ee maalinta UCID kala qaybgalay Xafiisyo badana xadhiga ka jaray waxa uu yidhi “Taageerayaasha Xisbiga UCID ee gobolka Maroodi Jeex waxaad muujiseen si aad isbedel caafimaad qaba dalka uga smeysaan Xisbiga UCID hal ku dhigiisu waxa weeye mideynta badbaadinta iyo horumarinta Somaliland isbedel caafimaad qaba ayeynu wadnaa ma rabno isbedel ku dhisan qabiil iyo qabyaalad in aynu taladda dalka ku qabsano, waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa koomiishanka doorashooyinka Somaliland waad arkayseen oo Askartii ayaa Xafiisyadda aanu Xisbiyaga u furayno iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ee aanu sida nabadgelyadda u la hadlayno ayey hadana nagu soo farogelinayaan waa in arinta Koomiishanku soo faro geliyaa”

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Xisbiga UCID iyo masuuliyiinta Gobolka Sool ee Xisbigaasi oo fagaare shalay kagala qaybgalay taageerayaal aad u tiro badan oo Xisbiga UCID ee magaaladda Laascaanood ku dhaqan waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Marka hore waxaan aad ugu mahadcelinayaa bulshadda aadka u  tiradda badan ee Taageerayaasha Xisbiga UCID ee maanta Laascaanood isku soo baxa ay xisbigooda ku garab istaagayaan halkan iskugu yimid, waalaalayaal hadii aanu nahay Xisbiga UCID waxaanu horta umaddan u sheegaynaa gobolka Sool horta Jago aanaan waligeen Somaliland ka helin ayeynu ka helay waa taariikh in nin Deegaankan u dhashay uu Madaxweyne ku xigeen Somalilnd ugu tartamaayo doorashadda Madaxtooyadda, walaalayaal Xisbiga UCID wuxu muujiyey in uu u taagan yahay mideynta dalka”

Madaxda Xisbiga UCID ee gobolka Togdheer, ayaa sido kale kala qaybgalay boqolaal taageerayaasha Xisbigaasi ka tirsan oo Degmooyinka kala duwan ee magaaladda Burco isku soo bax ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee xisbigooda ay kaga qaybgalayaan Burco ku dhigay, waxaana Xubno iskugu jira Madaxda heer qaran iyo heer gobo lee  Xisbiga UCID ay halkaasi khudbado ugu jeediyeen taageerayaasha UCID ee wajigii 2aad ee ololaha doorashadda Madaxtooyadda maalintii 2aad uu Xisbiga UCID uu goboladda dalka isku soo baxyadda ku dhigay.

Xarunta Gobolka Sanaag ee Magaaladdiisu tahay Ceerigaabo waxa sido kale isku soo bax ololaha doorashadda la xidhiidha ku sameeyey Kumanaan ka mida Taageerayaasha Xisbiga UCID oo Masuuliyiinta gobolka ee Xisbigu kula hadleen Barxada hore ee Xarunta UCID ku leedahay magaaladda Ceerigaabo iyada oo sido kale Taageerayaal iyo Saraakiil labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye iska soo casilay halkaasi so dhaweyn ay ugu sameeyeen Madaxda UCID halkaasi khudbadaha uga jeediyey taageerayashooda Kaambeynka doorashadda isku soo baxa kaga qaybqaadanaayey.

Ugu dambeyntii Munaasibadaha kala duwan ee Murashaxiinta Madaxtooyadda iyo Saraakiisha Madaxda  heer qaran iyo heer degmo ee Xisbiga UCID ay shalay Fagaarayaasha iyo Degmooyinka iyo Xaafadda kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ay kaga la qaybgaleen isku soo baxa ololaha Kaambeynka doorashadda ee galay wajigii 2aad , waxa sido kale Madaxda Xisbigu ay xadhiga ka jareen in ka badan 100 Xafiis oo Xisbigu Goboladda Maroodi Jeex, Tuulooyinka hoos taga Gobolka Hawd, Gabiley iyo waliba gobolada kale qaarkood ayaa xisigu daahfuray kuwaasi oo hawlaha shaqo iyo Kaambeynka wakhtigan Xisbiga UCID ku jiro loogu adeegi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.