Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Haldoor iyo Siyaasiyiin Miisaan leh oo kasoo Jeeda Gobolka Awdal

Boorama (warsoor)- Xisbul-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay siyaasiyiin iyo haldoor miisaan leh oo kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay hoggaaminayaan murrashaxii hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka UCID iyo Xoghayihii hore ee Warfaafinta Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Wasiirkii hore ee Macdanta xukuumaddii UDUB Md. Cismaan Sheekh Cabdi oo iyaguna kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo weliba Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka Gen. Maxamed Nuur, kuwaas oo ay wehelinayeen tobaneeyo siyaasiyiin iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Munaasibad qurux badan oo soo dhawaynta siyaasiyiintan iyo hormoodka labeenta reer Awdal ee la midoobay xisbiga KULMIYE loogu sameeyey huteelka Haldoor ee magaalada Boorama maanta, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha, Boosaha iyo Shaqada, Wasiiru-dawlayaal, wasiir-ku-xigeenno, siyaasiyiin, salaadiin, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan Gobolka Awdal iyo boqolaal taageerayaal isugu jira rag iyo dumarba oo wehelinayey siyaasiyiintan loo xafladeeyey, waxaanna halkaasi loogu muujiyey qalbi furnaan lagu qaabilay iyo saaxadda xisbiga ay ka mid noqdeen oo loo hogo-tusaaleeyey inay yimaadeen madal looga baahan yahay codkooda iyo cududoodaba oo aan la kala lahayn.

Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo ay hormood u yihiin Suldaan Cabdi Daahir Gaboobe iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ayaa siyaasiyiintan ku bogaadiyey go’aanka ay ku gaadheen inay la midoobaan xisbiga KULMIYE oo ay dhisaan murrashaxiintiisa.

Xubno ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI, kuna soo biiray KULMIYE oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Ibraahim Sheekh Cali, Cabdijibaar Muuse Daahir, Khadar Xasan Dugsiiye, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, Muxyadiin Maxamuud Qaalib, Saleebaan Ibraahim iyo Xabiib Cabdillaahi oo iyaguna madasha hadallo ka jeediyey, ayaa shaaciyey inay si buuxda ugu qanceen xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisaba, isla markaana go’aansadeen inay codkooda iyo taageeradoodaba la garab galaan, maadaama ay u arkaan murrashaxiintiisa kuwa ugu habboon ee lagu aamini karo hoggaaminta dalka xilligan.

Siyaasi Cismaan Sheekh Cabdi oo ka mid ahaa Golihiii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaciyey in qiimayn iyo daraasad uu sameeyey uu kaga soo baxay xisbiga WADDANI oo uu ka tirsanaa, isla markaana uu garwaaqsaday inay KULMIYE majaraha u hayaan hoggaamiyeyaal mudan in la taageeraa, waxaannu yidhi, “Xisbiga WADDANI cidi lacag igamay siinin oo igamay soo saarin, anigaana go’aansaday oo duruufo badan baa naga soo maray, marka labada xisbi laga tagona laba hoggaamiye ayaa la kala dooranayaa, inaguna waxa aynu u baahanay hoggaan ku dhac leh oo ka fikira dalka aayihiisa iyo mustaqbalkiisa, waanan u shaqaynayaa KULMIYE oo aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo taladaydaba waan gelinayaa.”

Xoghayihii hore ee xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa isna bulshada si waafi ah ugu sharraxay asbaabta ku kalliftay inuu KULMIYE ku soo biiro, waxaannu shacabka reer Awdal ugu baaqay in xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisu yihiin qaar danta dalka iyo ta dadkuba ku jirto oo ay doortaan, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta ku biirayo xisbiga KULMIYE, aniguna dantii dadka ee aan raacdada ugu jiray waxa ay ku soo biyo-shubatay xisbiga KULMIYE, waxaanan ku qancay hoggaaminta Muuse Biixi Cabdi iyo Saylici oo ay isugu soo urureen aqoonyahan iyo haldoor badan oo dalka iyo dibaddaba aqoon dheeraad ah u leh, waayo-aragnimada murrashaxiinta KULMIYE-na ma laha kuwa kale ee dhiggooda ahi, haddii aynu reer Awdal nahayna xulashadii way dhammaatay, maantana waxa aynu dooranaynaa madaxweynihii Somaliland ee shannaad iyo ku-xigeenkiisii, waxana aanu garanay  in dantii Somaliland iyo tii gobolka Awdal-ba ay ku jiraan xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Taliyihii hay’adda Sirdoonka Qaranka ee xukuumaddii Daahir Rayaale Md. Maxamed Nuur oo haatan si rasmi ah u shaaciyey inuu ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha ku sharraxay waxyaabaha ku kellifay isaga iyo siyaasiyiintan kale ay la midoobaan KULMIYE, waxaannu bulshada qaranimada Somaliland danaynaysa ugu baaqay inay doortaan murrashaxiinta KULMIYE, waxaannu yidhi, “Sababta ay raggani KULMIYE ugu soo biireen ayaan idiin sheegayaaye markii aan muddo daraasad waday waxa ii soo baxday in xisbiyada mucaaradka ah khilaaf ku jiray, anigu shakhsi ahaan halkayga cod waxaan siinayaa murrashax Muuse iyo Cabdiraxmaan Saylici, inta kale ee qarannimada Somaliland u tudhaysana waxaan leeyahay haddii la rabo inuu qarankani ka badbaado khilaafka raggan xisbiyadii kale kasoo saaray waxa uu muujinayaa in halkii ay qaranimadu ka hagaagi lahayd ay KULMIYE tahay, haddii ay siyaasad dibadeed tahay iyo haddii ay amni gudeed tahayba, marka aan wadciga yaalla eegona xisbiga KULMIYE ayaan dalka ku aaminayaa, laakiin WADDANI ku aamini maayo.”

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa siyaasiyiintan iyo haldoorka ku soo biiray KULMIYE ku tilmaamay ifafaalaha guul xisbigu ka soo hooyo doorashada Madaxtooyada ee badhtamaha bisha soo socota qabsoomi doonta.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Mdaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo laab ah siyaasiyiinta kasoo baxay WADDANI ugu soo dhaweeyey xisbiga KULMIYE, waxaannu ugu bushaareeyey inay yimaadeen madal laga qiimeeyo aragtida iyo afkaarta cidkasta oo ku soo biirta, “Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa siyaasiyiinta miisaanka leh, aqoonta leh, waayo-aragga ah ee maanta ku soo biiray xisbiga KULMIYE ee ay ka midka yihiin Cabdirashiid Xasan Mataan, Maxamed Nuur, Cismaan Sheekh Cabdi iyo dhallinyarada kale ee la socota, waxaanan halkan ka caddaynayaa inay la xuquuq yihiin xubnihii hore ee xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadal kooban ka jeediyey madasha, ayaa xusay in xubnaha miisaanka ku leh gobolka Awdal ee taageeradooda ku biiriyey KULMIYE ay marag u yihiin sida uu xisbigu ugu dhawyahay guusha, waxaannu taageerayaasha KULMIYE ugu baaqay inay u guntadaan sidii uu xisbigu u guulaysan lahaa.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa isla jagaan ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si sharaf iyo qiimo leh u soo dhaweeyey siyaasiyiinta cusub, waxaannu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay cududda Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Cismaan Sheekh Cabdi ku soo biiriyeen xisbiga KULMIYE, isaga oo bulshada reer Awdal-na ka codsaday inay xoojiyaan taageeradooda KULMIYE oo uu xusay inay dan weyni ugu jirto gobolka, “Reer Awdal waxaan leeyahay inaynu cududeena gelino xisbiga KULMIYE laba faa’iido oo waaweyn bay leedahay, waa marka hore’e qaran ahaan bay faa’iido inoogu leedahay inaynu awooddeena isugu geyno xisbigan la wada bidhaansanayo, marka labaadna duruufo badan oo gobolka yaalla ayey dawo ka tahay inaynu xisbigan ku midowno, taasna ha fudaydsanina,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADAHA

Khudbadda Cabdirashiid Xasan Mataan:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.